Xildhibaan Cabdiqaadir Oo Kulan La Qaatay Arday Culuunta Siyaasadda Ka Bartay Machadka CSI

0
834

Hargeysa(Geeska) Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo ka tirsan golaha wakiillada Somaliland ayaa kulan casho sharaf ah u sameeyay Arday culuunta siyaasadda iyo cilaaqaadka caalamiga ah ka bartay Machadka tababarka shaqaalaha dawladda ee CSI. Xildhibaan Cabdiqaadir ayaa sanadkii hore la qalin jabiyay dufcaddan oo ka kooban saraakiisha iyo shaqaalaha dawladda kuwaas oo qaatay shahaadada jaamacadda ee koobaad(Bachelor Degree)..

Cabdifataax Maxamed Xasan oo ka mid ah kooxda wax ka bartay cilmiga siyaasadda ayaa sharraxaad ka bixiyay muhiimadda kulanka Xildhibaanku soo agaasimay “Muddo saddex sanno ahayd oo aynu ku kulmaynay qalin iyo buug caawa wax ka duwan baynu ku kulanay. Waxa mahadda iska leh xildhibaankeena hawsha soo qabanqaabiyay, islamarkaana rayigiisa ka helay waxaynu leenahay Alle ha ka abaalmariyo,” Sidaas ayuu yidhi Cabdifataax.

Kornayl Cabdillaahi Maxamuud Saleebaan oo ka mid ah saraakiisha booliska kana mid ah ardayda baratay siyaasadda ayaa soo jeediyay in dalka looga faa’iideeyo aqoonta siyaasadda “waxbarashadii haddii aan lagu shaqayn waa la ilaawaya, waa in aan qalinka la dhigin, koox ahaana waa in aynu isku xidhnaano, inkasta oo aan idinka weynahay waxaad tihiin da yartii ka qayb qaadan lahayd siyaasadda Somaliland ee hammigiina galiya in kasta oo wax walba nasiib yahay haddana qofku wixii uu ku dadaalo wuu gaadha," ”idaas ayuu yidhi Kornayl Cabdillaahi.

Yuusuf Cabdi, Badrudiin Ibraahin, Yaasmiin Yuusuf iyo xubnaha kale ee madasha ka hadlay ayaa si weyn uga mahadceliyay kulanka Xildhibaanku soo qabanqaabiyay iyada oo muddo hal sanno ku dhaw ay is moogeeyeen ardayda cilmiga siyaasadda ka aflaxay. Waxay soo jeediyeen in kooxdani u diyaar garowdo sidii dalka loogu horumarin laha siyaasadda cilmiga ku dhisan ee ay baranayeen saddexda sanno.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud ayaa gabagabadii kulanka ka sheegay in ujeedadu tahay sidii kooxdan leh aqoonta siyaasaddu kaalin uga qaadan lahayd siyaasadda waddanka “Waxa inagu soo fool leh doorashooyin waxa muhiim ah in aad ka qayb qaadatan oo door ku yeelatan maaddaama tihiin siyaasiyiintii dalka oo da’a yar. Siyaasiyiinta jiilba jiil buu bedelaya, waxaan filaya in jiilkii u horeeyay ee bedeli laha tihiin siyaasiyiinta waaweyn ee aadka u soo shaqeeyay ee dalka horumarka soo gaadhsiiyay, waxaan rajaynaya in iyaguna ay fursadda idiin baynayn doonan idina 

dadaalkeeda iyo kartideeda waad leedihiin,” sidaas ayuu yidhi Xildhibaanka.

Xildhibaan Cabdiqaadir ayaa sheegay in loo baahan yahay sidii siyaasadda dalka looga saari laha hannaanka saami qaybsiga beelaha ku salaysan, islamarkaana loo abuuri lahaa siyaasad dadka aqoonta u leh hagaan, taas oo ay ka qayb qaadan karaan kooxdan cilmiga siyaasadda baratay. Ardaydan ayaa ahayd dufcadda kaliya ee cilmiga siyaasadda iyo xidhiidhka caalamiga ah barata taas oo ka qalin jabisay CSI kadib markii la joojiyay kulliyaddan.