Murashaxa Madaxweyne-xigeen Ee Waddani Oo Booqday Dugsiga Qalax Ee Uu Wax Ku bartay

0
759

Gabiley(Geeska) – Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Waddani, Ambassador Maxamed Cali Cabdi, ayaa booqday dugsiga Sare ee Qalax ee magaalada Gabiley oo uu wax ka baran jiray mudo hada laga joogo Afartan sano ka hor oo dugsigaasi Qalax uu ahaa Dugsi Hoose/Dhexe.

Ambassador Maxamed Cali Cabdi, Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Waddani oo ay halkaasi ku soo dhaweeyeen qaar ka mid ah Ardayda dugsigaasi iyo macalimiin ayaa sheegay inuu hada qayb laxaadle ka qaadan doono sidii dib u habayn loogu samayn lahaa dugsigaasi oo aad u dayacan, isla markaana uu hada garan waayey in dugsigii uu dhigan jiray yahay in kale.

Ugu horayna Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa uu yidhi “Waxaan si gaar ah u salaamayaa bahdii reer Qalax kii ugu horeeyey iyo kuwa hadda ku jira, iskuulkii waan garan waayey iyo guryihii macalimiintu siday ahaayeen iyo siday maanta yihiin, iskuulkii aan ka baxay afartan sanadood in ku dhaw ka hor maanta waan garan waayey, halkan aan joogo ee bidixdayda waxa ku ooli jiray oo ku yaalay Library aad yaabto siduu u dhisnaa iyo buugta taalay, waxaan balan qaadayaa xisbiga Waddani oo aan rajaynayno inuu soo bixi doono markuu ku guulaysto Qalax inay meel gaar ah igaga taalo oo aan la hagran doonin oo wixii ka maqan loo qaban doono, waxaan leeyahay ummaddii Qalax ka baxday aduunka meelwalba way joogaan, waar iskuulkii Qalax ha la xasuusto ha lagu soo dadaalo, oo aniga ha la ila soo xidhiidho aniga ayaa maanta laga bilaabo Iskuulkaasi raba inaan meel soo gaadhsiiyo, maanta jaamac ayaa ku taal Gabiley, Iskuul sare ayaa ku yaala, anigu markii aan halkan ka baxay dugsi hoose/dhexe ayuu ahaa, kuu ka qurux badnaa Qalax xataa jaamacada ku taala maanta halkan, dayacaa ka muuqda reer Gabiley iyo reer Qalaxba, waxaan ku waaninayaa in iskuulka ilaa heer jaamacadeed gaadhay in la horumariyo aniguna qayb laxaad leh ayaan ka qaadanayaa.” Ayuu yidhi Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Waddani, Ambassador Maxamed Cali Cabdi.

Sidoo kale waxa isaguna halkaasi ka hadlay Gudoomiyaha Ololaha ee Xisbiga Waddani, Xamse Khayre, waxaanu yidhi “Waxaanu u nimid halkan Dugsiga Qalax, Ambassador Maxamed Cali Cabdi, Musharaxa Xisbiga Waddani oo mudo 40 sano ka hor dugsiga kan ee Qalax ka baxay ayaa yidhi aan soo arko dugsigaygii Qalax, Ardaybaa iyaguna maqlay oo yidhi anaguna waanu ku soo dhaweyno hadii uu jiro musharax reer Qalax ahi mabaanaan moodayn in Madaxweyne reer Qalax leeyihiine” ayuu yidhi Xamse Khayre, Gudoomiyaha Ololaha ee xisbiga Waddani.

Dhinaca kale Ardayda dhigata dugsiga sare ee Qalax oo halkaasi ku soo dhaweeyey musharaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Waddani ayaa sheegay in reer Qalax ahaan ay aad ugu faraxsan yihiin in ay maanta leeyihiin Musharax reer Qalax ah, isla markaana uu Ambassador Maxamed Cali Cabdi uu u jeexay jid yididiilo ah oo ay ku hamin doonaan inay hankiisa oo kale yeeshaan.

Mid ka mid ah Ardaydaasi oo halkaasi ka hadlayna waxa uu yidhi “Waxaan halkan u nimid in aan dugsiga Sare ee Qalax aanu ku soo dhaweyno Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka xisbiga Waddani, oo ah nin ka soo baxay dugsiga Qalax.

Hadaanu nahay ardayda dugsiga sare ee Qalax waxa uu Musharaxu noo jeexay hilin ah in ardayda ka soo baxday dugsigan Qalax ay yeeshaan han ah inay wax ka noqdaan hogaanka sare ee dalka” Ayuu yidhi Ardaygaasi.