Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde Oo Sheegay Inaan Guddiga Doorashada, Lagu Aamini Karin Doorasho Dambe

46
3829

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa dhaliilo culus u soo jeediyey komishanka Doorashooyinka, waxaanu sheegay in aan Komishankan lagu aamini karin Doorashooyin dambe inay dalka ka qabtaan.

Guddoomiyaha ku meel gaadhka ah ee Xisbiga Waddani Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa sidoo kale ka hadlay cabashada ka dhanka ah Komishanka ee ay Madaxweynaha u gudbiyeen. Xildhibaan Jirde oo hadal ka jeediyay xaflad uu xisbiga Waddani qabsaday oo ka qabsoontay dalka UK, wuxuu ugu horayn yidhi  “Waxaanu aad iyo aad u taageeraynaa go’aankaas uu Xisbigu ka gaadhay Komishanka, Komishanka ceebaa ka yimid, ceebahaas qaar ula kac ah iyo qaar kama ah labadaba way leeyihiin, oo hawshii ay ku filnaan waayeen ay ka mid tahay, iyo qaar ay u badheedhanba, waa la soo ururiyey, ilaa 1200 oo dhacdo oo Komishanku lug ku lahaa, ama farsamo xumaa ahaa oo goobihii codbixinta ka dhacay, goobahaas codbixintana waxa masuuliyadeeda leh Komishanka, iyo cida ay soo igmadeen, anaga muraaqiibintaydu anaga ayey masuul noo yihiin, anaga ayey noo ilaaliyaan, laakiin se go’aamada halkaas lagu gaadhayo iyo waxa lagu shaqeeynayo waxa lahaa Komishanka iyo dadka ay meesha dhigteen, ceebo badan baa ka soo baxay”.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde mar uu ka hadlay cabashad ay Madaxweynaha u gudbiyeen iyo jawaabta Madaxweynaha ayaa yidhi   “Markuu Xisbigu darsay waxa la isla gaadhay in Doorasho dambe aan lagu aamini karin Komishankan, xaq baanu Xisbigu u leeyahyay inuu ceebahaas iyo dhacdooyinkaas soo jeediyo, wuu u gudbiyey Madaxweynaha, Madaxweynuhu isagoo cidna u dirin, oo ahayd waajibkiisa, ilayn cabasho ayaa timide, inuu Guddi heer qaran ah u diro uu yidhaahdo waxaas Xisbigu ka cabanayo soo eega, Guddidaasi nala kulanto, Xisbiga la kulanto, dadkii masuulka uga ahaa cabashadaas iyo dadkii soo ururiyeyba, sidaana  go’aan laga gaadho, isagoo meelnaba geyn ayuu isagu ka jawaabay, isagu (Madaxweynuhu) waa kii ku faa’iiday khaladkaa iyo eexda uu Komishanku galay, kii ku faa’iidayey weeye, kii ka jawaabi lahaa maaha, milguhu wuxuu faraayey oo cadaaladu ku jirtaa inuu cid kale u dhiibo oo uu yidhaahdo soo eega.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here