Hab-qanka Ka Jira Qasriga Madaxtooyadu Iyo Ilaha Wararka Oo Faro Batay

29
2932

Geeska Afrika Staff Writer

Madaxtoayadu imisa twitter ayay leedahay?

Is-bedeladda siyaadadeed ee ka socda Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan kuwa arrimaha dibaddu, waa farriin cad oo qeexaysa sida aynu ugu xuub-siibanayno mustaqablkeena. Waxa aynu gelaynaa jiho cusub oo siyaasadeed, oo u baahan ‘fiiro dheeraad’ ah iyo digtooni. Waxa aynu abbuurayna saaxiibo cusub, sidoo kalena cadow tiro badan oo kale.  Is-bedeladaasi waa kuwo saamayn doona habka loo maamulo dalkeena guud ahaan, dhinaca amni, dhaqaale iyo siyaasadba.

Madaxtooyadu waa muraayadda dal kasta laga dheehdo. Sidaas darteed in ay noqoto goob qurxoon oo u qaabaysan shaqo waa mid in mudnaan in la siiyo u qalanta.  Sidaasi si la mid ah waa in dadka ka hawlgalayaa yeeshaan aqoon iyo xirfad ay kaga dhex addeegi karaan aqalka sare ee dalka looga arrimiyo.

Inkastoo mudadii uu Madaxweyne Biixi hayay talada isbedel yididiilo leh laga dareemay madaxtooyada, haddana waxa hadba soo baxaya waxyaabo u baahan in deg deg wax looga qabto, kuwaas oo haddii ay sii socdaan dhaawacaya nidaamka dawladnimo ee madaxtooyada oo ah hoyga qaranka looga taliyo.

Nidaamka Wada-Xidhiidh iyo warbaahineed ee Madaxtooyadda:

Qasriga Madaxtooyadu waa in uu ku hadlaa hal cod. Ilo-wareedyada madaxtooyadu waa in la mideeyaa, si dhawna iskaga war qabaan, xidhiidhna yeeshaan. Waa foolxumo weyn oo dhaawacaya nidaamka dawliga ah marka wararka madaxtooyadu noqdaan kuwa habqan ah oo aan isla haysan, lahayna jaangooyn siman.

Tusaale ahaan, tiraba laba mareegood bay madaxtooyadu leedahay oo kala ah (http://somalilandgov.com/  iyo http://www.somalilandnation.net/).

Waxa intaas dheer, waxa jira tirro badan oo baraha bulshada, gaar ahaan Twitterka sida:@SLPresidency,@MadaxtooyadaSL, @musebiihi, @VPsomaliland, @BileAli  iyo weliba tirro badan oo ay maamulaan shaqaalaha madaxtooyada ka hawlgalaa. Barahan waxa dhamaantood lagu baahiyaa laguna soo gudbiyaa  warbixino is-khilaafsan oo  ku saabsan shaqada maalinlaha ah ee madaxtooyadda, muwaadiniinta iyo dadka kale ee xogaha u soo raadsana jahworeer galiya. Nasiib darro, luuqadaha lagu qoro warbixinaha la soo gudbiyaa waa kuwo af-ingiriis ah, taas oo ka horimanaysa luuqada wada xidhiidh ee qaranka, Af-Soomaaliga. Hadaba, si ay madaxtooyadu u bixiso war sugan, waa in ay yeelataa il-wareed sugan, lehna astaamo warineed oo isla jaanqaadaya oo si fiican uga turjumaya codka rasmiga ah ee aqalka dalka loooga talliyo.

Ma jiraan wada-xidhiidho rasmi ah oo ka jira dalka guud ahaan, gaar ahaan madaxtooyadda. Wax aanad markastaba arkaysaa madaxda dawladda oo addeegsanaya e-mailo u gaar ah, kunna gudbinaya warbixino xasaasi ah.

Dhanka kale, waa in ay madaxtooyadu yeelata meelo cayiman oo shacabkeedu kula soo xidhiidhi karaan, codsiyada iyo tabashadana loogu soo gudbin karo. Waa in uu jiraa Xafiiska Wada-xidhiidhka Bulshadu (Public Relations Office), kaas oo qaabilsan fududaynta iyo isku xidhka dadweynaha iyo aqalka madaxtooyada. Sidaas darteed waa in xafiiskaas dhakhso loo hawlgeliyo, si uu u  yagleelayo hab fudud oo shacabku madaxtooyada ula soo xidhiidhaan.

Xirfadaynta Shaqaalaha Madaxtooyadda:

Shaqaalaha madaxtooyadu (gaar ahaan kuwa waaxda baratakoolku) waa in ay yeeshaan baadi-sooc u gaar ah. Waa in lagu xushaa aqoon sare iyo hufnaan. Ugu yaraan waa in ay tahli karaan in ay si fiican ugu xidhiidhi karaan in ka badan laba luuqadood, kanna koobnaadaan rag iyo dumarba. Waa in tababaro gaagaaban iyo kuwa dhaadheerba la siiyo si kor loogu qaado tayada shaqadooda, loona kobciyo aqoontooda la xidhiidha baratakoolka dawladnimo, diblumaasiyada, la macaamilka dadweynaha iyo ajaanibkaba.

Waa in si joogto ah loo hubiyo tiradda rasmiga ah ee ka hawlgasha madaxtooyadda, loona kala asteeyaa shaqooyin u gaar ah oo lagula xisaabtami karo.Taasi waxa ay sahlaysaa in ay fududaato wada-xidhiidhka gudaha madaxtooyada iyo laamaha kale ee dawladda, meeshana laga saaro in xogaha aqalka sarre ee dalku noqdaan kuwo baylahsan.

Ammaanka Madaxtooyadda

Nabdoonaanta  iyo ilaalinta ammaanka aqalka madaxtooyadu waxa ay muhiimad weyn ugu fadhidaa qarankeena. Waayo waxa ka hawlgala madaxweynaha iyo madaxweyne-xigeenka  oo ah astaanta koowaad ee qaranka Somaliland. Waxa ka qabsooma shirarka Golaha Wasiirada iyo kuwa kale oo aad u ‘xasaasi’ ah.  Waxa dhex taal hanti iyo dhaxal qiimo sarre leh, oo dhawrsanaantoodu mudnaanta koowaad leedahay. Sidaas darteed waa in si dhaw oo lexjeclo dawladnimo layskaga xil saaraa ilaalintooda.

Ilaalada madaxtooyadu waa in si gaar ah loogu diyaariyo adkaynta ammaan ee aqalka madaxtooyada. Waa in lagu tababaro nidaamyada cusub ee looga hawlgalo qasriyada dunida, looga hortago falalka amni darro. Taas oo ka bilaabmaysa adeegsiga kamaradaha, qalabyada baadhiseed, hawlgalinta xayawaanka (ayda) wax baadha, xuuraanka iyo qalabaynta ciidanka guud ahaan. Waayo askarta xilligan ma ah keliya mid hub wax ku difaaca, balse waa in uu yeeshaa aqoon sare oo ammaan oo uu kula socon karo dhaqdhaqaaq kasta oo abbuuri kara fal amni darro.

Xafiisyada gaarka ah ee madaxtooyadda, sida ka madaxweynaha, ku xigeenka iyo qolka shirarka madaxtooyada waa in si gaar ah looga dhigaa kuwo ka caagan addeegsiga qalabyada aan la hubin isticmaalkooda, sida teleefoonada, kombiyuutarada, hadyadaha khaaska ah iwm.

Waa in xafiisyadaasi aan laga dhigin kuwa furan oo ‘cid kastaaba’ kulano ku yeelato. Tusaale ahaan, waxa caado noqotay in qolka shirarka ee wasiiraddu si joogto ah loogu qabto kulano kala duwan sida kuwa bulshada rayidka ah, madaxda ajaanibka ah, dadweynaha kale iwm. Taasi oo dhibaato ammaan u horseedi karta madaxtooyada. Waa in loo asteeyo goobo kale oo lagula kulmo, aqalka shirarka goluhuna gaar loo yeelo shirarka golaha wasiiradda iyo doodahooda.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here