Hargeysa (Geeska)-Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa, kana mid ah Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay wararka sheegaya in muddo kordhin la wado, oo Doorashada Madaxtooyadu dib uga dhacayso wakhtigii loogu tallo galay.
Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee Waddani Xildhibaan Ibraahim Mahdi Buubaa oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa wuxuu sheegay in dhibaato soo gaadhayso sumcada Somaliland haddii doorashada madaxtooyadu dib u dhacdo, “Doorasho dambe oo dib u dhacda iyo muddo kordhin dambe ma qaadi karno, mandaqadan aynu ku nool nahayna ma qaadi karto, haddii ay Doorashadii Wakiiladu dib u dhacday, oo Doorashada Madaxtooyaduna ay dib u dhacdo waxay noqonaysa Somaliland, wadan aan la isku lahayn karin, oo waliba jiritaankeeda iyo himiladeedana wax bay yeelaysa, marka mar walba muddo kordhin ku jiri mayne, ee Doorashada waa in wakhtigeeda lagu qaabtaa, oo aan la keenin marmarsiiyo iyo muddo kordhin dambe, mana ogolin raalina kama nihin in Doorashada Madaxtooyadu dib u dhacdo”.
Xildhibaan Ibraahiim Mahdi Buubaa mar uu ka hadlaayey Shirka Golaha Dhexe ee Waddani ayaa yidhi “Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani si aad u qurux badan aadna u qiimo badan buu u furmay in Shirku ku soo dhammaado sida ugu wacan iyo sidii loogu talagalay ayaan ku rajo weynahay, cid walba oo Shirka Golaha Dhexe ka soo shaqeeysana waan u mahadnaqayaa”.