Wasiirka Macdanta Oo Ka Waramay Wax Qabadka Wasiiradiiisa Ee Gobalka Togdheer

0
491

 

ducaaleBurco(Geeska)- Wasiirka wasaaradda macdanta iyo biyaha Somaliland Enj. Xuseen Cali Ducaale ayaa ka warbixiyay waxqabad dhinaca biyaha ah oo wasaaradiisu ka fulisay magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer mudadii uu xilka hayay iyo mashaariico kale oo ay doonayaan in ay dalka ka fuliyaan mustaqbalka kuwaasi oo uu horeeyo sidii loo soo saarilahaa khayraadka dalka ee uu shidaalku u horeeyo.

 

Wasiirka ayaa sidaasi ku sheegay munaasibad ka dhacday hoteelka Barwaaqo ee magaalada Burco oo lagu soo bandhigaayay musharax ka tirsan xisbiga Kulmiye oo u tartami doona golaha deegaanka Burco oo ay ka soo qaybgaleen wasiirka ,badhasaabka gobolka Togdheer ,madaxdhaqameed iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dawladda . "Dawladdan  aan ka mid ka ahay ee uu hogaaminayo Madaxwayne Siilaanyo waxyaabihii ay qabatay ka Wasaarad ahaan waa arimo Biyaha ku saabsan,magaaladan aynu Joogno aad iyo aad baanu Xooga u saaray inaanu baahida Biyaha ka daboolo,ilaa dhawr iyo Toban Ceel baanu qodnay Magaalada waxaana idiin soo socda kaydad Biyood,waxa kale oo idiin soo socda maalgashi aanu ka helayno Midawga Yurub oo ilaa laba Milyan oo Doolar ah oo aanu jecelahay inaanu Biyaha Magaalada Daafaheeda gaadhsiino isla markaan Xoojino " Sidaasi waxa yidhi wasiirka waxaanu intaasi raaciyay

"Wakaalada aanu la shaqayno ee aynu ognahay halka aanu kasoo qaadnay Markii aanu la wareeganay,Markaanu Baahida Biyaha Daboolo waxyaabaha kale ee Bulshadu naga Sugayso eeaanu Jecelahay inaanu ka mido dhalino waxaa ka mida khayraadka aad waligeedba maqlayseen inaanu mar wax ka aragno,waxaanan idiinka balanqaadayaa intaan anigu masuuliyada hayo inaan dalkeena Macdan kasoo saaro oo aan oo shidaalkana aragno insha alaahna waad arki doontaan."

Ugu danbayntii waxa wasiirku Musharaxiinta Dawlada hoose u tartamaya ee ka sharaxan Xisbiga Kulmiye kula dardaarmay inay hadii ay Guulaystaan wax ka bedelaan hoos u dhaca ka jira dawladha hoose.

Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Agaasimaha ladagaalanka eedhiska C/kariin Xinif waxaanu Musharaxa ka Codsaday hadii uu soo baxo inuu wax u qabto Degaanka Burco sidoo kale waxa uu Taageerayaashii halkaas soo Buuux dhaafiyay ka codsaday inay dhaqaalaha iyo Codkaba isla barabar taagaan oo aanay kaga hadhin Codka oo kaliya isla markaan iska ilaaliyaan khilaafka,.

Musharaxan oo lagu magacaabo  Maxmed Axmed Maxmuud oo hadal Kooban halkaas ka yidhi ayaa sheegay ayaa dhiniciisa balanqaaday hadii uu guulaysto in uu waxbadan ka qabandoono baahiyaha aasaasiga ah ee xeeran degmada Burco isla markaana bulshada isku soo jiidi-doono.