Xildhibaan Balaaki Oo KULMIYE Iyo Waddani U Soo Jeediyay Inay Si Nadiif Ah U Tartamaan

0
572

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdilaahi  Xuseen Cige  (Balaki), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, kana tirsan Guddida Arrimaha Guddaha, Difaaca iyo Nabadgalyada ee Golaha Wakiilada ayaa talo iyo waano u soo jeediyey Xisbiyada Qaranka, gaar ahaan Kulmiye iyo Waddani,oo muddooyinkii ugu dambeeyey hadalo kulul warbaahinta isku marinayey, waxaanu ugu baaqay inaan dhexdooda laga faa’iidaysan, ee tartankoodu noqdo mid nadiif ah.

1

Xildhibaan Cabdilaahi Xuseen Cige  (Balaki), oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay Abaaraha dalka ka jira iyo dhoofka xoolaha ee la joojiyey, waxaanu yidhi isagoo ugu horeyn ka hadlaya Xisbiyada “Dhammaan Saddexda Xisbi waxaan kula talinayaa in tartankoodu noqdo tartan nadiif ah, oo xalaal ah, waxaan kula talinayaa inay iska dayaan hadalada weerarka iyo weerar celiska ah, maanta dalkeena abaaro xun ayaa ka jira, dadkeeni wey dhiban yihiin, markaas waa ayaan daro in dadkeenii oo abaaro hayaan halkii dhibta kala qaybsan lahayn, inaynu weerar iyo weerar celis isku noqono”.

Xildhibaan Cabdilaahi  Xuseen Cige (Balaki), ayaa mar uu ka hadlaayey Cabdikariin Axmed Mooge ayaa yidhi “Cabdikariin Axmed Mooge, oo ah nin dhalinyaro, wuu is xilqaamay, wuxuu isku keenay Dhalinyaradii Saddexda Xisbi Qaran, markaas waxa haboon inay Masuuliyiinta Xisbiyadu Qaranku gartaan waxa uu isagu gartay, oo sidaas uu iskugu keenay Dhalinyarada Axsaabta, ee ay ku kala bogsadeen wixii ay kala tabanayeen, in Masuuliyiinta Axsaabtana iskugu yimadaan oo wixii ay kala tabanayaan ku kala bogsadaan ayaan kula talin lahaa, oo tartan xalaal ah oo nadiif ah ku balamaan, maxa yeelay haddii aynu nahay Somaliland waxaynu ku soo nabad iyo caano maalayn isku tanaasulay, iyo inaynu dalkeena dhisano iyadoo aanay cidi inaga caawin, markaas cadawgeenu ma ogola horumarkeena iyo qadiyadeena ee Madaxda Xisbiyadu ha heshiiyaan, oo dantooda ha ka horeeysiyaan danta Qaranka, oo yaan laga dhex faa’iidaysan,”.

Dhinaca kale Xildhibaan Cabdilaahi Balaki, dhanka kale wuxuu ka hadlay abaaraha dalka ka taagan, waxaanu Ganacstada, Shacabka, Xukuumadda iyo Wadamada Caalamka ugu baaqay in loo gurmado oo la caawiyo dadka ay abaaruhu hayaan, waxa kale oo uu xusay in Xoolaha la joojiyey ay sabab u tahay lo’ laga keenay Somaliya oo cudur laga helay, balse wuxuu xusay in xoolaha Somaliland caafimaad qabaan, rajana uu ka qabo in dhawaan dib loo furo gaar ahaan Adhiga.