Xildhibaan Baar Oo Ka Jawaabtay Eeddo Ay Aamina-Weris U Jeedisay Oo Ah Inay Diiday Kootadii Haweenka

0
790

Hargeysa(Geeska)-Xildhibaan Baar Siciid oo ah xildhibaanada keliya ee dumar ah ee ku jirta Baarlamaanka Somaliland, kana tirsan golaha wakiilada, ayaa ka jawaabtay eeddo uga yimid marwada madaxweyne Siilaanyo Aamina Sheekh Maxamed Jirde.

Marwo Aamina-weris oo dhawaan u warantay wargeyska Dawan ayaa xildhibaan Baar ku eedaysay inay ka codaysay qoondo gaar ah oo uu Madaxweyne Siilaanyo golaha wakiilada u soo jeediyay in haweenka Somaliland loo sameeyo. Aamina-weris waxay tidhi  “Madaxweyne Axmed Siilaanyo qoraalka kootada haweenka wuxuu geeyay baarlamaanka waxay dhibaatadu noqotay  gabadhii kali ahayd ee ku jirtay Baarlamaanku yaan haweenka qoondo la siin ayay u codaysay haddii aanu haweenka nahayna arrintaasi way naga yaabisay.”

Hase yeeshee xildhibaan Baar ayaa beenisay eeddaas waxaanay sheegtay inaanay waxba ka jirin, waxase ay ku eedaysay marwada madaxweyne Siilaanyo inay iyadu haweenka aanay waxbarashadu u suurtogelin ee doonaya inay hadda wax bartaan kala wareegtay dhismihii ay wax ku baranayeen ee uu Ingiriisku dhisay kana dhigtay hudheel ay leedahay, waxaanay xildhibaan Baar oo iyana Hargeysa ka hadashay ay tidhi “Joornaalka Dawan waxa ku qoran gabadhii madaxweynaha waxay ku soo qortay Xildhibaanka keliya ee ku jira golaha baarlamaanku waxay ka codaysay kootada haweenka, markhaati ayaan leeyahay oo waxa markhaati ii ah xildhibaanada iyo haweenkii fadhiyay oo Nagaad ka mid ahayd, cajaladiina waa la hayaa, waanan ka xumahay marwadii qarankeenu inay beenta intaas leeg sheegto waxaan isleeyahay taloow gabadhu ma war ayaanay hayn mise way badheedhay mise waxay malaha ilowsantahay Somaliland haweenkeedu weliba haweenka waaweyn ee tacliintii yaraanta aan la gayn iskuul qudha ayay lahayd iskulkiina marwada qaranka ayaa hodheel ka dhigatay. Intaas miyay ilowday taloow intay aniga beenta iga sheegayso, aniga haweenka Somaliland oo Nagaad ku jirto ayaa ii markhaatiya iyo golaha wakiilada, haddii halkay joogto aan joogana haweenka iyo ubadka Somaliland sidaas may noqdeen, waan ka xumahay.”