Mulkiilaha Beerta Libaaxyada Oo Ka Hadlay Nin Shaqaale Ah Oo Uu Libaaxu Dhaawac Gaadhsiiyay

0
914

Hargeysa(Geeska)-Libaaxa lagu xanaaneeyo beerta haatan hudheelka laga dhigay ee Warancade ayaa dhaawacay mid ka mid ah shaqaalaha hudheelkaas oo uu mulkiilaha hudheelku uu sheegay inuu libaaxa ku ciyaaray.

Libaaxan ayaa habeen hore dhaawac fudud oo gacanta soo gaadhsiiyay wiilkan oo uu Mr. Waranacade sheegay inuu ka gudbay xadkii digniinta.

Mulkiilaha Beertan Libaaxa Cabdiqani Cali Maxamed Warancade oo la hadlaayay tilifishanka Eryal ayaa ka xog waramay dhaawaca soo gaadhay qofkan shaqaalaha ah”Libaaxa in la taataabto ma wanaagsana in la dhibana ma wanaagsana markaas inanka shaqaalaha ah khalad ayuu yara sameeyay libaaxii oo halkan ku jira ayuu gacmihii yara galgaliyay dhaawac yar ayaa ka soo gaadhay, halkaas digniin ayaa ku qoran digniintu waxay sheegaysaa in aan libaaxa loo galin; gacmaha aan iyagana loo galin oo laakiin dusha laga daawado.”

Mulkiilahu waxa fariin u diray dadka beertan soo booqda”Fariin gaar ah waxaan u farayaa dadweynaha na daawanaaya ee sharafta leh ee noo imanaaya ee aanu doonayno inaanu qalbi furan iyo gacmo furan ku soo dhawaynayno inay libaaxa gacmahooda ka ilaayaan oo ay libaaxa ka fogaadaan.”

Maaha markii koowaad ee uu mid ka mid ah libaaxyda Warancade dhaawacyo soo gaadhsiiyo qaar ka mid ah bulshada caasimadda Hargeysa.