“Xil Ka Qaadistaydu Madaxweynaha Kamay Iman Ee Meel Kale Ayay Ka Timid”

0
596

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee xidhiidhka goleyaasha Cali Xaamud Jibriil ayaa daboolka ka qaaday in aanu madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka ka qaadin, isla markaasna sheegay inuu ka hadli doono waxyaabaha uu tabanaayo iyo cidda uu xilka qaadistiisa u sibir saaray.

Wasiir Cali Xaamud ayaa sheegay inuu siyaasada ka nasan doono, waxaanu arimahan kaga hadlay waraysi uu siiyay Xamse Cali Bulbul oo ka mid ah tilifishanka HCTV, waxaana isaga oo arimahan ka hadlaaya uu yidhi "Xilka qaadistaydu madaxweynaha kamay iman ee meel kale ayay ka timid, laakiin aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay, waan ka nasanayaa; madaxweynaha aan la soo shaqeeyayna waan u mahadnaqayaa sida fiican ee aan ula soo shaqeeyay mudada todobada sano ah waxii dareen ahna bari ( maanta ) ayaan xilka wareejinayaa, halkaas ayaan kaga hadlayaa waxii kale ee talo iyo tusaaleba ah."

Wasiirkii hore ee xidhiidhka golayaasha Cali Xaamud ayaa xilka laga qaaday kadib markii uu madaxweyne Axmed Siilaanyo dalka ku soo laabtay muddo kadib markii uu nasasho ku soo qaatay dalka Imaaraadka Carabta, waxaanu Wasiir Cali yahay gacanta midi gee madaxweyne-xigeen Saylici.