GUUGUULE IYO MAANTA

0
749

Marxuum Cigaal haddii uu arko laba wasiir oo golihiisa ka wada tirsan oo is haysta khilaafna ka dhexeeyo markaba talaabo ayuu ka qaadi jiray oo waa kii laba wasiir oo guri dawladeed ku murmay xil ka qaadis iyo xadhig isugu daray. Rayaalena jidkii ayuu raacay oo lama arki jirin laba wasiir oo murmaya iyo xataa laba agaasime guud. Laakiin xukuumadii Xaaji Axmed laba wasiirba gaar bay col u yihiin oo isu wanjalayaan, sidaasna waxa ku lumaysa dantii qaranka. Axmedoow adeero sawirka dawladaada hagaaji wax kaleba ha dambeeyaane.