Xil. Dheeg Oo Ku Baaqay In Somaliland Ay Xoogga Saarto Sidii Ay Wadamada Jaarka Ugu Qancin Lahayd Aqoonsiga

0
563

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg), oo ka mid ah Xidhibaanada Golaha Guurtida, kana tirsan Guddida Arrimaha Dibadda, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku waajahan qaabka ay Somaliland aqoonsi caalamiya ku heli karto, waxaanu soo jeediyey in xooga la saaro wadamada jaarka gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya, oo uu sheegay in dantoodu ku jirto in Somaliland ka madax bananato Somaliya.

1

Xildhibaan Maxamuud Maxamed Yaasiin (Dheeg), oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Somaliland markii hore waxay ahayd dal madax banaan, imika waa dal madax banaan, oo dhamaystiran oo xoriyadiisi kala soo noqday Somaliya, kadib markii cadaadis, cabudhin, dil iyo dhaawac badan loo geystay dadkii reer Somaliland, haddana shuruud walba oo dawladnimo waanu buuxinay, waxa naga maqan oo qudha in Beesha Caalamka aanu ka helno aqoonsi, laakiin muhiimadu waa inaynu marka hore aqoonsi ka helno wadamada aynu jaarka nahay, gaar ahaan Itoobiya iyo Kenya, maxa yeelay labada dalba si toos ah ayey u garanayaan xadkeena iyo xududeena, waxay si toos ah u garanayaan inay Somaliland iyo Somaliya laba dal kala ahaayeen, iskuna biireen, waxay si toos ah u garanayaan in dantoodu ay ku jirto in Somaliland aqoonsadaan, maxa yeelay wax dan ah oo ugu jira Somaliya inay dib iskugu tagto ma jirto, markaas waxaan leeyahay wadamadaas na aqoonsada, oo na ictiraaf, Somaliland waxaan leeyahay ugu horeyn wadamaas xooga saara, si aynu danteena u gaadhno”.