Burco: Muddaharaad Lagaga Soo Horjeedo Xukunka Dadkii Ku Eedaysnaa Dilkii Taliye Casayr

0
706

Burco(Geeska):-Magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer,  shalay ka dhacay mudaharaad lagaga soo horjeedo xukunkii lagu riday eedaysanayaashii loo hayey dilkii loo gaystay taliyihii qaybta booliska ee gobolka Saaxil marxuun Cabdirisaaq Maxamuud Casayr.

1

Mudaharaadka ka dhacay magaalada Burco ayaa daba socday kuwo kale oo ka dhacay magaalada Berbera iyo degmada Sheekh, kuwaas oo lagaga soo horjeeday xukunka lagu riday eedaysanayaasha loo hayey dilka taliyihaasi.

Dhinaca kale badhasaabka gobolka Togdheer Maxamed Ibraahin Aadan(Qabo) ayaa ka hadlay mudaharaadka shalay ka dhacay magaalada Burco, waxaanu sheegay inuu mudaharaadkaasi ahaa mid la soo abaabulay, gacantana ay ku dhigeen qaar ka mid ah dadkii soo abaabulay waxaanu yidhi “Sidaad ka war haysaanba Maanta(shalay) waxoogaa rabshado ah oo la soo abaabulay ayaa ka dhacay magaalada, abaabulkaasna cidbaa ka danbaysay qayb ka mid ah cidii ka danbaysana gacanta ayaanu ku  haynaa.”

Badhasaabka gobolka Togdheer oo hadalkiisa sii wata ayaa fariin u diray dadweynaha gobolka waxaanu yidhi “ Waxaan halkan uga sheegayaa dadweynaha Burco inay nabad galyadu qaali tahay, waa saldhigii nolosha wax aynu ku badalanaynaana ma jirto, cid dan gaar ah lihina yaanay dadkiina iyo dawladiina idinka hor keenin oo nabad galyadiina idiin xisdiyin, cid kasta oo aanu arintaas ka dareenana waanu qabanaynaa sharcigana waanu hor gaynaynaa, cidii aanu ku tuhmaynay waanu haynaa cidii kalana baadhis ayaa noo socota waanan qaban doonaa.”