Xiisadda U Dhexeysa Quwadaha Dunida Oo Sii Kordhaysa Iyo Ruushka Oo Maraykanka Cudud Milateri Ugu Hanjabay

0
823

Moscow (Geeska)- Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda ee dalka Ruushka Sergei Ryabkov ayaa ku dhawaaqay in haddii uu Maraykanku nidaamka gantaalaha THAAD ku rakibo Kuuriyada Koonfureed iyo Jabbaan ay dawladda Ruushku ku qasbanaan karto in iyaduna ay qaaddo tallaabo jawaab ah oo milateri si ay u ilaaliso isu dheellitirnaanta milateri ee iyaga iyo Maraykanka.

Sida ay ku warrantay shabakadda wararka ee Russia Today oo Geeska Afrika soo xigtay, wasiir ku xigeenka oo arrimahan ka hadlaya ayaa yidhi, “Waxa ka socda xuduudkayaga, ee ay ka mid tahay xoojinta awoodda difaaca gantaalaha, waxa aanu u arkaynaa in sheekadu aanay ku koobnayn Kuuriyada Koonfureed oo keliya, iyo xitaa Jabbaan, taasina waxa ay nagu kallifaysaa in aanu dib ugu noqonno awoodahayaga gaarka ah iyo aragtida ah in aanu horumarinno cuddudayada milateri ee dhinacaas gantaalaha”

Wasiir ku-xigeenka arrimaha dibadda Ruushka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Haddii xaalku sidan warwarka leh u sii socdo, waxa ay u muuqataa in ay iman doonto mar aanu ka fursan weyno in aanu bixinno jawaab milateri, si aanu u abuurno nooc isu dheelli-tirnaaneed”

Ryabkov waxa uu caddeeyey in Ruushku uu dawladda Shiinaha la wadaago warwarkan uu ka qabo nidaamka Gantaalaha THAAD ee la filayo in Maraykanku ku rakibo Kuuriyada Koonfureed iyo Jabbaan isaga oo ku andacoonaya in uu ka difaacayo Kuuriyada woqooyi.

Wasiir Ryabkov oo ay warbaahintu sii weydiisay in hadalkiisan laga fahmi karo suurtogalnimada in Moscow ay ka fikirayso in ay iyaduna gantaalo kuwan u dhigma ku rakibto gobalka, oo ah sida ugu dhow ee jawaab ay u bixin karto, “Waxa aan ogahay in aan muddo dheer ku soo dhex jiray qadiyadaha la xidhiidha la socoshada is-hubaynta iyo si gaar ah xidhiidhka naga dhexeeya Maraykanka, sidaa awgeed waxa aan ku dheggenahay in jawaabtayadu ay la mid ahaato ta uu Maraykanku arrintan ka bixinayo oo ah, in jid kastaa uu noo furan yahay” ayaa uu ku jawaabay, isaga oo tilmaamaya in jidka milateriguna ka mid yahay jidadkaas u furan.