“Dekedda Berbera Looma Wareejin Dan Somaliland Leedahay”

0
831

Guddoomiyaha KMG ah ee xisbiga Waddani Md. Jirde

Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha ku meelgaadhka ah ee xisbiga Waddani xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa sheegay inaan dekedda Berbera lagu wareejin dan Somaliland leedahay, waxaanu tilmaamay in hawlgaladii aqoonsi raadisku uu hoos u dhacay mudadii xukuumadda Siilaanyo talada haysay.

Md. Jirde oo hadal ka jeediyay madal uu habeen hore kula kulmay dhallinyarada Degmada Axmed Dhagax ee Hargeysa oo uu ugu soo bandhigay qorsheyaasha horumarineed ee Waddani hadii uu talada ku guulaysto wuxuu sidoo kale tilmaamay inay hay’adihii dawladu dumeen, “Waxaad la socotaan hay’adihii dawlada. Baarlamaankii wuu dhintay, guurtidii way inaga dhimatay, maxkamadihiina way inaga dhinteen intaas oo dhana waxa curyaamiyay xukuumadda.” ayuu yidhi Jirde.

Isagoo ka hadlaya dekedda Berbera ee la wareejiyay wuxuu yidhi “Haddii aad la socoteen doodihii markii dekedda la wareejinayay qaabka loo wareejinayay waad la socoteen, dekedda dan Somaliland leedahay looma wareejin. Waxa jirtay labadii dawladood ee dawladan ka horeeyay aad baa ictiraafka loogu dedaali jiray meel ayaa la soo gaadhsiiyay imikana wax ictiraaf hadal haya maynaan arag.” ayuu yidhi xildhibaan Jirde.

Wuxuu dhallinyarada ugu baaqay inaanay daawadayaal ka noqon xaaladaha siyaasadeed iyo doorasho ee dalka balse ay doorkooda qaataan oo ay si weyn uga qayb qaataan doorashada islamarkaana u codeeyaan xisbiga mucaaradka ah ee Waddani oo uu ku tilmaamay mid dalka badbaadinaya.