Xiisad Ka Soo Cusboonaatay Deegaanka Ceel-Afweyn Iyo Saddex Ruux Oo Geeriyooday

44
2787

Hargeysa(Geeska)-Xiisad ayaa ka soo cusboonaatay deegaanka Ceel-afweyn ee ay hore ugu dagaalameen  beelaha walaalaha ah ee deegaankaas wada degeni.

Xiisadan ayaa ka soo cusboonaatay jiidaas ka dib markii khamiistii la dilay nin lagu magacaabo Alle haw naxariiste Ismaaciil Axmed Cawad, sidoo kalena Jimcihii shalay ayaa la dilay wiil dhallinyaro ah oo magaciisa lagu sheegay Cabdicasiis Cawil Ducaale.

Labadaas dil ka dib ayaa waxa uu warku sheegay in deegaanka Ceel-afweyn uu ka bilaabmay is abaabul dagaal oo beeleed, waxaana dadkaas abaabulka ku jiray isku dayay inay joojiyaan ciidamada ammaanka Somaliland, waxaana halkaas isna ku geeriyooday Alle haw naxariiste Marxuum Maxamed Hurre Faarax.  Telefishanka HCTV, ayaa xalay baahiyay in ay Ceel-afweyn ku dhaawacmeen dhawr ruux oo ay ciidamada ammaanka isku dhaceen.

Ciidamada ammaanka ayaa la sheegay inay soo dabaaleen xaaladii deegaankaas, waxase jira walaac ah in dagaal beeleedku si fudud uga dhex qarxo labadaas beelood, inkastoo la sheegay in Somaliland ciidamo awood leh hore u kala dhex dhigtay labadaas beelood ee walaalaha ah. Ciidamada ammaanka ayaa ku jira heegan buuxa si ay u kala badbaadiyaan in dadkaas walaalaha ahi isku dhacaan mar kale.

Dagaalka labadan beelood oo soo noqnoqday ayaa dhawr goor heshiisyo la dhex dhigay, laakiin heshiisyadaas ayaan noqon kuwa wax midho ah dhala. Laakiin Madaxweyne Biixi ayaa hadda la sheegay inuu diyaariyay guddi culus oo gasha garta labadaas beelood, waxaanay warar soo baxay sheegayana in guddigaas uu Madaxweynuhu toddobaadkan si rasmi ah u baahin doono magacyadooda iyo shaqada loo xilsaaray.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here