Dawladda Kenya Oo Sheegtay Inay Hargeysa Ka Furanayso Xafiis Diblomaasiyadeed

32
3070

Hargeysa(Geeska)-Dawladda Kenya ayaa sheegtay inay 16 xafiis diblomaasiyadeed ka furanayso 16 wadan oo Afrikaan ah saddexda sannadood ee soo socda.

Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Monica Juma, ayaa khamiistii si rasmi ah ugu dhawaaqday inay Kenya furanayso 16 xafiis diblomaasiyadeed oo mid ka mid ah ay ka furan doonto magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland.

Magaalooyinka Afrika ee ay xafiisyada ka furanayso ayaa waxa gobalka Geeska Afrika ku yaala saddexda magaalo ee kala ah Hargeysa, Djibouti iyo Kismaayo. Xoghayaha arrimaha dibadda Kenya Ms. Monica Juma oo ka hadlaysa sababta ay Kenya xafiisyada u furanayso waxay tidhi

“Diblumaasiyaddayadu waxa ay ka shaqaynaysaa dedaalka aanu ku xoojinayno aqoonsigayaga / ahaanshiyahayaga gaarka ah, higsigayaga qaran iyo qarannimadayada, kagana ilaalinayno faragelinta shisheeye ee iman karta. Halka aanu dhinaca kalana ka dhisayno kana xoojinayno awooddayada tartan.”

Ganacsatada Qaadka Miirooga ee Kenya ayaa dhawr goor dawladooda ugu baaqay inay xidhiidh diblomaasiyadeed oo aqoonsi gaadhsiisan la samayso Jamhuuriyadda Somaliland, si ay Hargeysa ugu iib keenaan qaadka oo ay sheegeen inay ku soo arkeen suuq dihin, balse u baahan tartan lala galo qaadka Itoobiya.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here