Dawladaha Hodanka ah oo ka badin la’a balanqaadyo iyo gaajada dunia ku sii badanaysa

0
4461

3499607_origLondon, (Geeska/Daily Mail)- Ciidamada la dagaalanka budhcad-badeedka Midowga Yurub ee biyaha Soomaaliya ayaa doraad qaaday diyaaradaha qumaatiga u kaca ku qaaday weerarkoodii ugu horeeyey xaga dhulka, isla markaana ku burburiyey doonyo, keydad shidaal iyo keyd hub, deegaamo u dhow Harardheere.

Doon budhcad-badeedku lahaa oo lagu gubay badda ayaa keentay inay gubtaan keydad shidaal ay siday, halkaasoo budhcad-badeedkii saarna adoonidaa ku baxsadeen mid kale, balse markii danbe si fudud loo qabtay 12 ka mid ahaa.

“Diyaarad qumaatiga u kaca ayaa gubay shan ka mid ah doonyahayagii aanu ku ugaashsan jirnay arroornimadii,” ayuu sheegay nin budhcad badeedka ka mid ah oo magaciisa ku soo gaabiyey Cabdi. “Waxaanu ku soo soconay xeebta markii diyaaradu na weerartay, waanan ka baxsanay,”

Midowga Yurub ayaa dhowaan isku raacay in hawl-galkooda la-dagaalanka budhcad-badeedka balaadhiyaan. Hawl-galka loogu magac daray Atlanta ayaa u fasaxaya ciidamadaa inay weeraraan goobaha dhulka iyo badaba. Lama sheegin qof ku dhaawacmay weerarkii shalay oo ciidamada Ingiriisku aanay qeyb ka ahayn.