Hodan-degan Cabdi
Waxaa maalmahan si qorsheysan oo abaabulan uga socdey qeybaha kala duwan ee warbaahinta dagaal lagula jiro xeerka Kufsiga Xeer lambar 78/2018, ee Madaxweynahu saxeexay bishii August 28keedi 2018.
Qolyahan xiiqsan ee doodayaa horta ma qirsan yihiin in kufsi jiro, oo kufsi wadareed jiro oo xataa wiilasha yar-yar la kufsado iyo islaamahaba! Taa waxaa ka sii daran in uu miyi iyo magaalaba ka dhaco. Qolyahani haddii ay diinta iyo dhaqanka suuban ilaalinayaan maxey mar uun uga haddli waayeen halkey joogeen markii inanta yare e 6 jirka ah malcaamada quraanka dhexdeeda macilinkeedi ku kufsadey, markii inamo yar-yar oo 6 ilaa 8 jiru dhaxeeya la kufsadey oo weliba niman kufsadeen, markii islaan faqiir ah oo cidla buul ah degan saddex nin oo xoog leh isugu tageen oo wax ka dayeen markii, markii…
Haddaba xeerkani wuxuu ku saleysan yahay baahida dhacdooyinka kufsiga ee dalka ka jira, kuwaas oo sii xogeysaneyey marba marka ka dambeysa laga soo bilaabo ilaa 2006. Sida ku cad warbiximaha tirada kufisiga ka dhacey Somaliland wuxuu sheegayaain bilaha qaarkood uu gaadhey in ka badan 200 oo kufsi .
Waa masuuliyad ay gabeen cid kasta oo xil ka saarnaa sida wadaada, sharciyaqaanada, siyaasiyiinta xisbiyadda iyo aqoon yahankuba. Dagaalkan iminka bilaabmey ee xeerku cidda ka dambeysa ee daaha dabadiisa ka riixeysa siraha u qarsoon iyo ujeeddada ay ka leeyihiin wey iska cadahay. Qolyahani iyaga oo og xaddiga dhibaatada kufisiga ee dalka ka jirta iyo baahida loo qabo xeerkan ayaa waxay si xeeladeysan oo aan gabasho laheyn ay fariin ugu dirayaan Madaxweynaha dalka iyo golayaasha sharci dejinta ee Somaliland.
Waa xagal-daacin lagu wado nidaamka dalka iyadoo laga abaarayo sharci-dejinta isla markaana la doonayo in daaha la saaro oo la dabaalo baahida ay qabto muwaadinad ama muwaadin dhibateysan oo u baahan in sharciga dalkeedu/dalkiisu u hiiliyo si ay u hesho/helo xaqa ay u leeyihiin in dhibanyaasha isla markaana dambiilahu/dambiilayaaashu u helaan ciqaabta ay muteysteen oo ah in ay qof ku khasbeen iyagoo xoog isticmaalaya waxaaney raalli ka aheen oo ah KUFSI!
Haddaba aan isla fahamno dadka soo jeediyay doodaha qoraalka ama kuwa ka hadlaya ee iska dhigaya in ay cid matalaan aqoona u leeyihiin diinta iyo sharciga iyagoo xeerkana ku sheegaya in uu yahay mid shareecada islaamka ka hor imanaya baadil na ah. Sida aan qabo waa niman fool eri ah oo ay dadqarsoon xagga dambe ka soo riixayaan si ay danahooda uga fushadaan oo ah in Somaliland ay ka tagto wixii lagu heshiiyey oo ah nidaam dimoqraadiyad, wada tashi iyo dawlad wanaag ku dhisan loona guuro nidaam aaney cadeyn dariiqa loo marayo iyo cidda hageysa toona. Waxay dhagartan qarsooni uga faa’iideysaneysaa aqoonta bulshadeena ee ku dhisan waxa la yidhi oo ah mid ka fog xaqiiqda dhabta ah.
Waxaa cadeynayaa in xeerkan aaney ku jirin wax la dhibsadaa isla markaana aanu ka horimaneyn anshaxa wanaagsan iyo diinta.
Fal-celinta aan aqoonta ku dhisneyn ee la yidhi waxaan doonayaa in aan hal ama laba ka cadeeyo sida wax uga jiraan .
- Niman xildhibaano oo guurtida ka hadleyey, xisbiyada iyo qareeno waxay maalmahan oo dhan iskaga dabacelineyeen in xeerku shareecadda ka soo horjeedaa waayo sinnada ayuu baneynayaa. Sinnada quraanka ay sheegey ciqaabteedana xadidey. Laakiin hadalkoodu wuxuu kashifey aqoontooda iyo halka ay gaadhsiisantahay waayo KUFSIGA iyo SINNADU waa kala gadisan yihiin. Midna waa khasbid awoodeed ama khiyaano loo isticmaalayo qof u nugul in waxaanu raalli ka aheyn lagu sameeyo, midna waa wax heshiis lagu . Shareecaddu si toos aha ugama hadlin kufsiga laakiin culimada hore waxay ku fasireen in kufsigu aanuu aheyn qeyb ka mid ah sinnada balse loola tacaalayo sidii dambi qasabid iyo keenaya xasilooni darro bulsho iyo nabdegalyadana wax u dhimaya. Culimada diintu waxay qofka kufsiga galey ku qiimeyeen in uu yahay mid khatar ku ah bulshada iyo nabedgelyada wadanka isla markaana loo ciqaabo qof dambiile ah
- Soomaliland waxaa lagaga dhaqmaa 3 sharci oo kala ah dhaqanka, shareecadda iyo sharciga la sameeyey sida ka madaniga ah iyo ka ciqaabta. Saddexda sharciba waa dhaqan gal, qof walina ka uu doono ayaa raadsadaa. Haddaba weli meynaan arag shareecada oo lagu xukumey qof sineystey iyo mid la kufsadaytoona. Ka dhaqankase waa la yaqaanaa oo waa in inanta loo guuriyo ninkii kufsadey ama xaal la siiyo. Laakiin aqriste waxaa soo baxey Kufsi wadareed wiilal iyo gabdha ah. Waxaa soo baxey dad dhimirka wax ka qaba oo wax laga raadsadey, waxaa jira caruur sabi ah oo la dulmey oo mayeedhaan ah markaa maxaa lagu xukumayaa dambiyadaas. Saw markaa qasab maaha in xeer dejinta iyo dawladdu soo saarto shuruuc la jaanqaada waqtiga iyo dambiyada dhacaya. Xeerkan waxaa curintiisa lahaa baarlamanka wuxuuna la kaashadey ururadda bulshada in ay ka caawiyaan shirarka la tashiga ah ee ku saabsan arrimaha kufsiga si loo xaqiijiyo noocyadiisa iyo sida uu u dhaco. Haddii ay taasi dambi tahay waxaa dambi noqonaya waxa alaala iyo wixii xeer ahaa ee la ansixiyey oo inta badani dariiqaa la tashiga iyo wada shaqeynta soo marey sida ka caafimaadka , ka shaqaalaha, ka doorashooyinka iyo kuwo kale oo badan. Gebagabo Saddex arrimood waa in aan isla fahamno:
- Inuu Kufsigu noqday aafo sii kordhaysa loona baahan yahay in la qiro baaxada iyo noocyada uu u dhaco haddii kale amaanka iyo dhaqanka qoysaskeena ayaa faraha ka bixi doona oo dhibaatadu kuma koobnaan doontoo dad gaar ah oo xaaladooda dhaqan-dhaqaale u nuglaysa dhibaatooyinka uu kufsigu ka mid yahay.
- Inay had iyo jeer jiri doonaan saaxada siyaasada akhshaas ujeedooyin kala duwan leh kuwaas oo markay is-jiidhaan had iyo jeer bulshada kula soo dhex dhaca khilaafkooda iyagoo doonaya inay kala jiitaan masiirka ummada. Inaynu ka aqbalno maaha mucaaradnimadu in ay meel kasta gasha.
- In qoraalka xeerarka iyo xeer dejintu ay yihiin shaqo lagu soo takhasuso ee aanay ahayn mid ay cid walba geli karto. Weliba waa in la wada fahmaa inay xeerarku sii kala farcamaan oo lagu sii kalo takhasuso, sida “international law”, “constitutional law”, “civil law”, “criminal law”, “family law”, “maritime law”, iwm. “Qareen” ayaan ahay maaha in loo fahmo mawduuc kasto oo sharciga la xidhiidha ayaan dhex jibaaxi karaa. Waa sababaha shakiga ku abuuraya qofka suuq-jooga ah ee aan fahamsanayn sida loo qoro xeerarka marka lagu yidhaa xeerkani Sinnadii ayuu baneeyay. Sababta keliya ee la adeegsanayaana waa madaama aanu xeerkani Sinnada soo hadal qaadinba.
Inay adag tahay in la wada saxo wax kasta oo gacanta markii ugu horaysay loo qaaday. Marka la taabo geliyo ee lagu shaqeeyo ayay saani u soo baxaan daldalooladu. Waana sababta ay wadamada aduunku had iyo jeer dib u habayn ku sameeyaan siyaasadahooda (policies), xeerarka iyo qorshayaasha ay ku hawl galaan. Xaaladani waa qaar ka mida ah kuwa ku gadaaman xeerkan Kufsigu waxaana muhiim ah in had iyo jeer la eego xaaladaha jira si xalka saxa ah loo helo haddii kale halis waxaa loo yahay in dhibaatada jirta magac kale lagu sheego (“mis-diagnosis”). Waxa jiro meelo badan oo arrimaha bulshada waxa laga tari karo oo badan oo beylah ah sida qaadkan aafada noqdey, daroogadu iyo sinadduba ka mid yihiin markaa haddii xeer shareecadda ah lagu qaadayo dee waa meel banaan una baahan shaqo iyo hirgalinteeda markaa dee taaba gala – waan hubaa in rag badan oo maanta buuqaya in dil lagu xukumi lahaa!! Ugu dambeyn waa ayaandarro kale in durbaba xeerkii in ka yir bil jirey xukuumaddu tidhaa dib-u eegis baa lagu sameynayaa. Miyaan markiis taasi cadeyneyn in ay jiraan xoogag qarsoon oo daaha dabadiisa wax ka hagaya isla markaana la baqoyo!!! .
Hodan-degan Cabdi