Dawladda Itoobiya Oo Dedaal Ugu Jirta In Lagu Daro Golaha Iskaashiga Amniga Badda Cas, Dawladaha  Ku Midaysan Iyo Doorka Somaliland Oo Aan Weli Caddayn

0
582

Itoobiya Waxay Sheegtay Inay Khalad U Aragto Inay Ka Maqnaato Golaha Iskaashiga Amniga Badda Cas Oo Ay Hadda Ku Midaysan Yihiin 8 Dawladood

Addis Ababa (Geeska) – Dawladda Itoobiya, ayaa sheegtay inay khalad u aragto in laga saaro Golaha Iskaashiga badda Cas.

Golaha Iskaashiga Badda cas oo ay sannadkii 2019 ay sameeyeen Dawladaha Khaliijka iyo kuwa Bariga Afrika, ayaa ka shaqeeya Amniga guud ee badda Cas, laakiin Itoobiya oo aamisan inay door ku leedahay amniga Badda cas, ayaa sheegtay inay khalad u aragto inay Golahaasi ka maqnaato.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Dawladda Federaalka Itoobiya, ayaa 24-kii bishan sheegtay ‘inay khalad tahay’ in Itoobiya ka maqnaato Golaha iskaashiga badda Cas.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Itoobiya Dina Mufti oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Itoobiya ay dalbanayso in ay ka mid noqoto golaha iskaashiga badda cas, maadaama uu waddanka Itoobiya ka mid yahay kuwa ku yaalla Gobolka Geeska Afrika, sidoo kalena ay ka shaqaynayso is-dhexgalka gobolka Geeska Afrika.

Golaha Iskaashiga Amniga Badda Cas, ayaa ka kooban 8 Dawladood, kuwaasi oo kala ah Sudan, Djibouti, Eritrea, Masar, Jordan, Saudi Arabia, Somalia iyo Yemen.

Itoobiya oo ay ku nool yihiin Dad ka badan 100 Milyan oo qof, juquraafi ahaan u dhaw badda cas, ayaa laga saaray madasha, sida ay sheegayso Wakaaladda Wararka Itoobiya ee ENA oo Geeska Afrika uu warkan ka soo xigtay.

Afhayeenku waxa uu sheegay in Ra’iisal wasaare ku-xigeenka ahna wasiirka arrimaha dibedda Demeke Mekonen uu shirkii 58-aad ee amniga ee dunida oo ka dhacay Magaalada Munich ee dalka Jarmalka horaantii todobaadkan uu ka sheegay in ay khalad tahay ka reebista Itoobiya ee madasha iskaashiga badda cas “Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa xusay in ka-reebista Itoobiya ee Golaha badda cas ay tahay mid khalad ah, waayo Itoobiya wax badan ayay ku leedahay xoojinta nabadda iyo ammaanka gobolka.” Ayuu yidhi Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda ee Itoobiya.

Sida uu sheegay Dina, maadaama madashan  loo aas aasay ka hortagga tahriibinta sharci-darrada ah, ka ganacsiga hubka iyo arrimaha kale ee la xidhiidha, waa in Itoobiya ay qayb ka noqoto qaabkan, maadaama ay wax badan ka tari karto xoojinta nabadda iyo ammaanka.

Raysal-wasaare ku-xigeenka, ahna Wasiirka Arrimaha dibedda Itoobiya ayaa intii uu ku sugnaa Jarmalka ku nuux-nuuxsaday in Itoobiya loo tixgeliyo dal muhiim ah, sidaasi darteedna lagu daro Golaha Iskaashiga Badda Cas, sida uu sheegay Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha dibedda Itoobiya “Doorka Itoobiya ee isku xidhka gobolka waa mid muhiim ah. Sidaad la socotaan Itoobiya waxay hormood u tahay dhismaha kaabayaasha dhaqaalaha si loo dardargeliyo is dhexgalka gobolka,” ayuu yidhi afhayeenka.

Golaha iskaashiga Badda cas oo shaqaynayey illaa sannadkii 2019, ayaa waxaan la ogayn doorka Somaliland ku leedahay, maaddaama oo ay Somaliland tahay Dal Madax-banaan oo maamula illaa 800KM oo Xeebta badda Cas ah.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa hore u sheegay inaan Somaliland Cidna u daba-fadhiisan doonin Maamulka baddeeda.

 

Geeska.net/Hargeisa Office