Xeer Illaaliyihii guud Ee Dalka Maraykanka Oo Iscasilay

0
564

USA (Geeska) – Xeer illaaliyihii guud ee Maraykanka William Barr ayaa ku dhawaaqay inuu xilka ka degayo.

Iscasilaaddiisa ayaa lagu soo beegay kadib markii Dowlad Gobaleedyada dalka Maraykanka ansixiyeen guusha Madaxweynaha la doortay ee Joe Biden.

xidhiidhka Madaxweynaha wakhtigiisa dhamaadka yahay ee Donald Trump iyo Xeer Illaaliyaha William Barr ayaa sii xumaanayey wixii ka danbeeyey doorashadii bishii hore wadankaasi ka dhacday.

Trump oo hore u magacaabay William Barr oo ka mid ahaan jiray taageerayaashiisa xagjirka ah, ayaa si weyn uga cadhooday, kadib markii Xeer illaaliyaha sheegay inayna jirin wax caddaynayo in la musuqmaasuqay natiijada sida uu ku doodayo Trump, arrintan oo soo dedajisay inuu xilka isaga dego.

Donald Trump ayaa sida caadada u ah bartiisa Twitter ku shaaciyey in Xeer illaaliyaha xilka ka degayo dhamaadka bishan isagoo warkan ku soo beegay daqiiqado kadib markii Dowlad gobaleedyada Maraykanka ansixiyeen natiijada doorashada Madaxweynaha oo uu ku guuleystay Joe Biden.

 

Geeska.net/Hargeisa Office