Muxuu Yahay Hubka Uu Turkiga Helay Ee Maraykanka Halista Galiyay ?

0
686

Ankara (Geeska) – Mareykanka ayaa cunaqabateyn kusoo rogay Turkiga oo ay ka wada tirsan yihiin isbahaysiga NATO, kaddib markii Turkiga uu gacanta ku dhigay gantaallada difaaca ee uu Ruushka sameeyo, kuwaasoo uu ka dalbaday sanadkii lasoo dhaafay.

Mareykanku wuxuu sheegay in qalabkaas gantaalaha ee S-400 ee Ruushka lagu farsameeyay uu yahay mid aan la jaan qaadi karin tiknolojiyadda NATO, sidoo kalana uu khatar ku yahay isbahaysiga Euro-Atlantic.

Cunaqabateynta ay ku dhawaaqday waaxda arimaha dibada, maalintii Isniinta, ee ka dhanka ah Turkiga, waa mid lagu bartilmaameedsaday waaxda soo iibinta hubka ee dalkaas.

Tallaabadaas waxaa si degdeg ah u cambaareeyay mas’uuliyiinta Turkiga iyo Ruushka.

Mareykanku wuxuu mar hore Turkiga ka saaray barnaamijkiisii ??diyaaradeed ee F-35. Taasina waxay ahayd tallaabo uu jawaab uga dhigay in Turkiga uu soo iibsaday gantallo kale.

Muxuu Mareykanku diidan yahay?

“Mareykanku wuxuu si cad Turkiga ugu sheegay, weliba heerkii ugu sareeyay, in qalalbka gantaalka ee S-400 uu halis galinayo amniga teknolojiyadda iyo militariga ee Mareykanka, ayna dhaqaale badan ka heli doonto waaxda difaaca ee Ruushka iyo sidoo kale in hubkan uu halis gelinayo ciidamada qalabka sida ee Turkiga iyo warshadaha difaaca,” ayuu yidhi xoghayaha arrimaha dibedda Mareykanka, Mike Pompeo.

“Iyadoo arrintaasi ay jirto, Turkiga wuxuu go’aansaday inuu soo iibsado, tijaabiyayana gantaallada S-400,” ayuu sii raaciyay.

Cunaqabateyntan ayaa lagu bartilmaameedsaday Madaxa Agaasinka laamaha Difaaca ee Turkiga, Ismaaciil Demir iyo seddex kale oo shaqaale ah.

Waxaa ka mid ah mamnuucida oggolaanshaha dal-ku-galka Mareykanka iyo sidoo kale in la xannibo wixii hanti ah ee u yaalla goobaha uu Mareykanka awoodda u leeyahay.

Muxuu Turkiga ka yidhi tallaabadan?

Xukuumadda Ankara waxay ku doodeysaa in sababta ay hubkan uga iibsatay Ruushka ay tahay, ka dib markii Mareykanka uu diiday inuu ka iibiyo gantaallada Patriot-ka ee uu sameeyo.

Saraakiisha Turkiga waxay tilmaameen xaqiiqda ah in Giriigga – oo ah xulafada kale ee ka tirsan gaashaan buurta Nato – ay haystaan gantaalka S-300, in kastoo aan toos looga soo iibsan Ruushka.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Turkiga ayaa Mareykanka ugu baaqday in uu “dib uga fiirsado go’aankan caddaalad darrada ah ee lagu dhawaaqay”.

Waxay sidoo kale wasaaradda ay sheegtay in Turkiga “uu diyaar u yahay in uu wax ka qabto arrintan iyada oo loo marayo wadahadal diblomaasiyadeed oo waafaqsan xeerarka isbahaysiga Nato”.

Wasaaraddu waxay ka digtay in cunaqabateynta Mareykanka “ay saameyn xun ku yeelan doonto xidhiidhka labada dal, taasi oo horseedeysa in Turkiga uu aargoosan doono xilliga ugu habboon”.

Wasiirka Arimaha Dibedda ee Ruushka Sergei Lavrov ayaa sidoo kale cambaareeyay go’aanka Mareykanka isagoo ku tilmaamay “muujin kale oo la xidhiidha dabeecadda isla weynida ah ee Mareykanka, taasi oo ka dhan ah shuruucda caalamiga ah.”

Sida uu Turkiga muhiim ugu yahay gaashaanbuurta Nato?

Turkiga ayaa leh ciidanka labaad ee ugu badan Nato, oo ay miltariga 30 dal xubno ka yihiin.

Turkiga waa mid ka mid ah xulafada Mareykanka ee ugu muhiimsan NATO, wuxuuna ku yaal meel istiraatiiji ah. Waxaa uu xuduudo la wadaagaa Suuriya, Ciraaq iyo Iiraan.

Waxuu sidoo kale door muhiim ah ka ciyaaray dagaallada Suuriya, isagoo hub iyo taageero militari siiyay qaar ka mid ah kooxaha mucaaradka.

Si kastaba ha noqotee, Turkiga wuxuu arkay inuu sii xumaanayo xidhiidhkiisa qaar ka mid ah xubnaha Nato iyo Midowga Yurub, kuwaasi oo Mr Erdogan ku eedeeyay inuu qaatay nidaam keli-talisnimo ah ka dib afgambigii dhicisoobay ee 2016-kii.

Gaashaanbuurta Nato waxaa la aasaasay sanadkii 1949-kii iyada oo waddamada isku bahaystay ay ujeeddadoodu ahayd si ay isaga caabbiyaan isballaadhintii Midowga Soviet uu ku hayey waddamada Yurub, iyada oo ay NATO tahay xulafada militari ee hadda ugu awoodda badan caalamka.

Waxaa asal ahaan aasaaska gaashaanbuurta uu salka ku hayaa “ilaalinta xornimada, ilbaxnimada iyo aasaarta ma guurtada ah ee ay isla wadaagaan dalalka xubnaha ka ah ee ku yaalla waqooyiga Atlanta.

Gaashaanbuurta Nato waxaa xubno ka ahaa oo lagu aasaasay 12 dal, iyada oo 1952-kii ay ku soo biireen waddamada Greece, Turkiga iyo Jarmalka Galbeed.

Siduu u shaqeeyaa hubka S-400 ee Turkiga uu ka iibsaday Ruushka?

  • Radaarka ilaalada fog wuxuu daba galayaa walxaha qarxa iyo diyaaradaha, wuxuuna u gudbinayaa macluumaadka gaadhiga laga hagayo qalabka difaaca, kaas oo qiimeynaya bartilmaameedyada suuragalka ah.
  • Bartilmaameedka marka la ogaado wuxuu amrayaa gaadhiga in gantaalka la rido
  • Xogta in la rido gantaalka ayaa loo dirayaa gaadhiga gantaalada ridaya kaasi oo hawada u diraya gantaallada.
  • Raadaarka wuxuu caawiyaa in si fudud gantaalada loogu hago dhanka bartilmaameedka.

Geeska.net/Hargeisa Office

BBC Somali