Xeeldheerayaal Turki Ah Oo Ku Guulaystay Farsamo Cusub Oo Fudaynaysa In Ilkaha Si Tayo Leh Loo Beero

0
758

Ankara (Geeska)- Cilmibaadhayaal ku xeeldheer Tiknoolajiyadda oo u dhashay dalka Turkiga ayaa dunida looga aqoonsaday in ay leeyihiin xaqa xaqa lahaanshiyaha hal-abuurka farsamo cusub oo curiyaha Boroon ka loo adeegsanayo in lagu dahaadho jiridda xididdada la doonayo in lagu beero qofka, taas oo kaalin weyn ka qaadanaysa bogsasho dhaqso ah iyo in iligga lagu beeray qofku uu ku adkaado lafta oo aanu dhaqso u dhicin.

Khubarada farsamadoodan casriga ah u adeegsaday tiknoolajiyad ay gebi ahaanba ku samaysteen dalkooda gudihiisa, waxa aana gacan ka siiyey haayadda cilmibaadhista iyo sayniska ee dalka Turkiga, iyo sidoo kale shank a mid ah jaamacadaha dalkaas.

Waxaa la saadaalinayaa in tiknoolajiyaddan cusubi ay wax badan kaga wanaagsanaan doontaa hababka hadda ilkaha loo beero, maadama oo ay ka adkaysi badan tahay, isla markaana ka hor bogsan og tahay. Darwiish Yelmaaz oo bare-sare ka ah jaamacadda Qaazi, kana mid ahaa cilmibaadhayaashan, kana qayb galay baadhista iyo horumarinta arrintan ayaa sheegay in sideedaba waxa iligga guntiisa ku haya laftu uu yahay maaddo dabiici ah oo jidhka ka mid ah. Isaga oo hoosta ka xariiqay in curiyaha Boroon uu kaalintaas buuxin karo.

Dhinaca kalana Caa’isha Oghor oo bare sare ka ah isla jaamacaddaas hore, kana mid ahayd khubarada daraasaddan ayaa sheegtay in curiyahan iligga guntiisa lagu beegayaa sida caadiga ah xidhiidh toos ah la yeelanayo nidaamka Bayooloji ee qofka, iyada oo sida la og yahay haddana ah maaddo jidhka aan ka mid ahayn oo qariib ku ah, sidaa awgeed waxaa lama huraan ah in maadadda hawshaas loo adegsanayaa ay noqoto mid ka samaysan walax jidhka nudkiisu aanu diidi Karin, wax dhibaato ahna aan geysanayn. Waa in ay noqoto walax aan cunmayn marka ay muddo joogto.

Dr. Caa’isha waxa ay sheegtay in maadadda Boroon ay leedahay awood ay iskaga celin karto jeermiska iyo dulinka, isla markaana dili karta nolaha aadka u yaryar eek u dhalan kara, waxa kale oo ay awood u leedahay in ay ku dhegto derbiga dibadda oo ay noqoto lakab saran, iyo in aanay sababin mariid, waxaa intaasba ka sii muhiimsan in ay nudka lafaha aanay is diidayn. Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay wakaaladda wararka ee Anadoulu waxa kale oo uu Drs. Caa’isha ka soo xigtay in a ysheegtay in mashruucani uu dhammaad yahay, iyada oo rajaysay in laba ama saddex sano gudahood farsamadan cusub la adeegsan doono.

Booron waa curiye kimiko, bir la mood khafiifa ah oo aalaaba laga helo oogada sare ee dhulka, curiyahan iyo macdanta silica waxaa laga sameeyaa quraaradaha, muraayadaha iwm.