Xawaaladda Qaran Oo Heshay Sharciga Lacag Dirista Ee Dalka Sweden

0
831

Hargeysa(Geeska)-Xawaalada Qaran ayaa sheegtay inay heshay sharcigii lacag dirista ee dalka Sweden, kaas oo ah sharci dhawaan lagu soo rogay xawaaladaha Somalida.

Qoraal ogaysiis ah oo uu Geeska Afrika soo gaadhsiiyay Maxamed Cabdillaahi oo ah madaxa sharci ilaalinta ee xawaalada Qaran, ayaa lagu muujiyay sida ay shirkadu ugu guulaysatay sharcigaas, waxaana qoraalka lagu yidhi,  “Shirkada Qaran Express xarunteeda Sweden waxay ugu bushaaraynasaa dhamaan macmiisheeda sharfta leh in ay heshay sharcigii lacag dirista ee dalka Sweden.  Dalka Sweden ayaa ku soo rogay sharci cusub oo dhigaaya in dhamaan shirkadaha ka ganacsada lacag dirida ee ka hawl gala dalkaasi in looga baahanyahay in ay dalbadaan ruqsada lacag dirista. Sharcigan cusub oo ay soo rogtay hay’adda dabagalka lacagaha ee dalka Sweden ee loo yaqaan Finansinspektionen ayaa ku xidhay shuruudo adag dhamaan xawaaladaha sidii ay uga hortagi lahaayeen lacagaha loo diro argagixisada iyo lacag dhiqida (Anti-Money Laundering/Combating the Financing of Terrorism). Haddaba shirkada Qaran Express waxay si xirfadleh u buuxisay dhamaan shuruudihii laga rabay waxaanay ku guuleesatay sharcigaasi muhiimka ah.”