“Somaliland Iyo Koonfurta Sudan Waxay Isku Dhaafeen Dedaalka Qurbo-joogooda”

0
4189

 

suudanHargeysa(Geeska)-Dr.J. Peter Pham oo ah Agaasimaha Michael S. Ansari African Centre Atlantic Council oo ah gole ka talo bixisa siyaasadaha dalka Mareykanka ee ku wejahan dalalka Africa iyo Carabta oo dhawr jeer oo hore aqalka Congresska Mareykanka ka hor akhriyay khudbado uu kaga hadlayo xaaladaha dalka Somaliya iyo Somaliland ayaa wareysi uu siiyay  Barta Internetka ee Somalidiasporanews, wuxuu ku dhaliilay kaalinta qurbo-jooga Somaliland. Waxa kale oo uu ka waramay khudbad uu dhawaan ka horjeeyay aqalka Koongareeyska Maraykanka.

Dr. J. Peter Pham ayaa waxa khudbadiisa ka mid ahaa xaaladihii u danbeeyay ee Soomaaliya iyo dhibaatooyinka loo caal la yahay ee dalkaas ka jira,khaasatan dhinacyada maamul xumada dawlada,Budhcad badeeda iyo xagjirnimada.

Dr Pham ayaa waxa wax laga  weydiinay Somaliland waxaanu sheegay in beesha caalamku qunyar qunyar ugu siqeyso in ay ictiraafto,balse dedaal dheeri ah loo baahan yahay.

Dr Pham waxa uu  sheegay in Konfurta Sudan ay ka faaiideysatay jaaliyadaheeda dibedda oo si hagar la’aan ah uga ololeynayay dalalaka dibedda,halka jaaliyadaha Somaliland ay ka gaabiyeen aqoonsi raadiska. Dawladihii isaga danbeeyay Somaliland ee Madaxweyne Rayaale iyo Siilaanyo aaney qudhoodu sameyn dedaal sidaa u sii buuran ayuu yidhi Dr J. Peter Pham. “Konfurta Sudan iyo Somaliland waxa ay isku dhaafeen dedaalka Qurbejoogtooda.” Ayuu yidhi khabiirkaasi. Dr Pham waxa uu sheegay in dawladaha Somaliland ay isku koobaan uun in ay ka hadlaan sharciyada dawladnimo ee Somaliland balse aan wax dedaal ololeyn kale oo intaa dhaafsiisan aaney sameyn.

Jaaliyadaha ayuu xeeldheerahani ku celceliyay in ay doorkoodii gabeen,loona baahan yahay in ay ka hawlgalaan aqoonsiga Somaliland isla markaana ay xidhiidho toos ah la sameeyaan siyaasiyiinta laga soo doorto degaanada ay ku nool yihiin.

Dr Pham waxa  sidoo kale uu u jeediyay Xukuumada Somaliland in ay ka hawlgasho sidii ay dunida reer galbeedka ugu soo bandhigi laheyd faa’iidada iyo danaha dhaqan dhaqaale ee ugu jirta aqoonsiga Somaliland.