Xasan Sheekh Oo Xilkii Ka Qaaday Guddoomiyihii Baanka Dawladiisa

2
636

Picture5Muqdisho(Geeska)-Madaxweynaha Somaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa xilkii ka qaaday guddoomiyihii Baanka Somaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye, oo dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan gobalka Awdal.

 

Xasan Sheekh, ayaa Arbacadii xilka ka qaaday masuulkan, waxaana xil ka qaadistiisa lagu xidhiidhinayaa eeddo musuqmaasuq oo ay guddiga daba galka Somaliya ee Qaramada Midoobay dhawaan u jeedisay Mr. Hadliye iyo masuuliyiin kale oo dawladdaas ka tirsan.

Geesta kale, wuxuu Madaxweynaha Somaliya xilkan u magacaabay haweenay magaceedu yahay Yusur Aadan Faarax, oo iyaduna dhalasho ahaan ka soo jeeda gobalka Awdal ee Somaliland. Yusur, ayaa ka soo shaqaysay Baanka Citibank ee caalamiga ah.

Comments are closed.