Maraykanka iyo Ruushka Oo Weli Ku Kala Aragti Duwan Kiimikada Suuriya

0
507

Picture4Xoghayaha Arrimaha Dibada ee Maraykanka John Kerry iyo dhigiisa Ruushka Sergie Lavrov oo Khamiistii,  kulamo ku yeeshay magaalada Geneva ayaa ku guuleysan waayey inay heshiis kasoo saaraan habkii loo abaari lahaa hubka kimikalka ee dalkaasi Siiriya.

 

Labada hogaamiye ayaa shir jaraa´iid oo ay ku qabteen magaalada Geneva kadib kulankoodii waxay shaaca ka qaadeen inay sii wadi doonaan wadahadalada iyagoo ku balamay in dhamaadka bishan ay markale ku kulmaan magaalada New York xiliga uu furmayo shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Labada dhinac ayaa weli la sheegay inay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin habka hubka kimikalka looga wareejinayo xukuumada Bashaar Al Assad.

Maraykanka ayaa doonaya in wakhti kooban loo qabto dowlada Siiriya, hadii ay xiligaasi kusoo wareejin weydona talaabo militari laga qaadayo, halka Ruushka uu diidan yahay wax tilaabo militari ah oo laga qaado dowlada Siiriya.

Dhinaca kale qodobka kaliya oo ay labada dhinac meel isla dhigeen ayaa ah in dagaalka ka socda dalka Siiriya loo raadiyo xal siyaasadeed oo markale dib loo soo nooleeyo shirkii la rabay in la isugu keeno xoogaga Mucaaridka iyo xukuumada Siiriya, kaasi oo la filayo inuu ka dhaco magaalada Geneva dabayaaqada sanadkan.