Xasan Guure Muxuu Ka Yidhi Muddo Kordhinta?

0
583

Picture3Hargeysa(Geeska):-Guddoomiyaha madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa ka hadlay khilaafka muddooyinkii danbe ka taagnaa muddo kordhin ay golaha Guurtidu u sameeyeen xukuumada iyo golaha wakiilada, waxaana uu ugu horeyn sharci darro ku tilmaamay muddo kordhinta ay Guurtidu samaysay isaga oo sida oo kalena xukuumada ku eedeeyey in ay cagaha ka jiidayso in go’aan ka soo baxo wada-hadalada maalmahii u danbeeyey u socday xisbiyada mucaaradka iyo xukuumada Somaliland. Mujaahid Xasan Guure Jaamac, ayaa sidan ku sheegay mar uu shalay qaar ka mid ah warbaahinta kula hadlaayey magaalada Hargeysa, waxaana uu sida oo kale ugu baaqay xukuumada Siilaanyo in ay ku soo dhawaato miiska wada-hadalka oo aanay wakhtiga luminin. "Annaga iyo xisbiyada mucaaradku waxaanu taagnayn oo aanu taaganahay maalintii Komishanku qabtay ee ahayd in ay doorasho qaban karaan oo ay horena ahayd in ay iyagu muddeeyaan oo ay mudada sheegeen In ay doorasho ku qaban karaan, kaalintii ayaanu taaganahay. Xaga xukuumada waxaad mooda in ay dib u jiidayso oo ay wakhtiga luminayso, waxaanu leenahay taasi wakhtiga in la lumiyo maaha, xukuumadu ha ku soo dhawaato wakhtiga ha keento taladaas oo ha qaadato."Ayuu yidhi Muj.Xasan Guure Jaamac. Guddoomiyaha madasha wada-tashiga, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu ka hadlay mawqifkooda ku aadan muddo kordhintii ay Guurtidu u samaysay xukuumada iyo aqalka Wakiilada Somaliland, waxaana uu yidhi: "Muddo kordhinta la sameeyey hore ayaanu mawqifkayaga uga sheegnay Guurtidu xaq uma laha in ay kordhiso, duruurftii ay ku kordhinaysayna ma jirto, mar haddii duruuftii ay ku kordhinaysay jirin maaha in ay kordhiso xaq uma laha, jiritaankeeduna maaha, waayo waa aynu ognahay oo qofka Guurtida ahi sifaad ayaa uu ku noqdaa Guurtida ma joogaan oo waa aynu ognahay ragii Guurtida ahaa, waxa weeyaan Guurtidu in ay tidhaahdo waxa annaga ayaa samaynay oo ay dadka dusha ka saarto maaha, waxaa ay noqonaysaa tani fowdo in ay sameeyaan oo Odeyaashu, Xaaji Cabdi Waraabe maalin dhaweyd waxaan arkaayey isaga oo leh ha la tanaasulo, isagii oo boqol jir ah ayaa tanaasuli waayey ee ma raga dhalinyarta ah ee kursiga doonaya ayaa tanaasulaya, Xaaji tanaasul adiga ayaa Odey ah e' Odeynimada ka shaqee oo tanaasul, wakhtiga Komishankana keena, Xukuumadana waxaan leenahay wakhtiga ha luminin.".

Ugu danbeyntiina Mujaahid Xasan Guure Jaamac, oo warbaahintu wax ka weydiisay waxa ku jaban in xukuumada hada jirta loo sameeyo muddo kordhin maadaama kuwii ka horeeyeyba hore loogu soo samayn jiray, ayaa waxaa uu sheegay in la gaadhay wakhtigii la isku dhaqi lahaa shuruucda dalka.

"Sabab aan maqlo waxaa u liita maxaa ku jaban in loo kordhiyo xukuumadan kuwii horeba waa loo soo kordhinaayey e', waxa weeyaan haddii aynu lunay oo intaas o dhan aynu sharci darro ku soo dhaqmaynay mar qudha miyeynaan is dabaaleyn oo aynaan odhaneyn waar aynu sharciga ku dhaqano, waxaan leenahay maanta sharci darro danbe ma qaadi karno oo dalku ma qaadi karo.".Ayuu yidhi Xasan Guure.