Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Madasha wadatasniga Xasan Guure Jaamac iyo Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Eng: Maxamed Xaashi Cilmi oo hadda ka tirsan Madasha ayaa ka hadlay xaalada uu dalka marayo, Siyaasada Arrimaha Dibada ee Somaliland, Khudbadii sannadlaha ahayd ee uu Madaxweynuhu dhawaan ka hor jeediyey labada Gole Qaran, Doorashooyinka soo socdo, nidaamka cusub ee Dekada, xeerka banaanka ee muranka dhaliyey, wada hadalada Somaliland iyo Somaliya iyo qodobo kale.
Xasan Guure iyo Eng: Maxamed Xaashi oo shalay Shir jaraa’iid qabtay ayaa ugu horeyn Guddoomiyaha Madasha Xasan Guure waxa uu hadalkiisi ku bilaabay sidan “Dalka marka aad eegto maalinba maalinta ka sii dambaysay wax sii dhacay mooye wax u soo kordhaya ma jiraan,arrimaha dibada marka aad eegto intii Xukuumadda Axmed Maxamed Maxamuud aanay imanin, dalal badan oo Yurub iyo Afrikaba leh, ayaa dad badani inooga ololayn jiray, dad badan oo Barlamaanada ku jira ayaa inoo ololayn jiray,waxay gaadhay imika Saaxibkii weynaa ee aynu lahayn ilaa markii aynu Jabhada ahayn oo dalka Itoobiya ahaa, saaxibtinimadii inaga iyo Itoobiya ayaa cidhiidhi ku jirta, Somaliland iyo Itoobiya waxa ay ahaayeen laba dal oo aad moodo inay isku mid yihiin, saaxibitinmadeenu halkay gaadhsiisnayd iyo ololaha ay inoogu jireen, maantana Fiisihi ayey inaga xidheen, waxa ay ahayd Waddada kaliya ee aynu Adduunyada u marno, marka Xukuumaddani albaabadii khaarajiga wey inoo xidhay, waxa aan odhan lahayn saani aynu isaga badheedhno oo Xamar aynu iska qabano, malaa meel kale qaban maynee, Xaajigu haddii uu sidaas rumaysan yahay inay dani ku jirto ha inoo sheego, weynu ka tashan doonaana, waana aynu ka wada hadli doonaanaye”.
Mujaahid Xasan Guure ayaa mar uu ka hadlaayey sida uu u arko Khudbadii Madaxweynuhu uu ka hor jeediyey labada Gole ayaa yidhi “Axmed Maxamed Madaxweynuhu maalin dhawayd oo uu ka hor hadlaayey labada Gole, wax wanaagsan buu sheegay waxa uu yidhi anigu Tuug ma ihi, haddii aanan Tuug ahayna Tuug ma dirto, anaguba kumaanu odhan Tuug baad tahay, laakiin waxa lagugu xantaa, oo anaga laftayaduba kugu xamaana inaad Tuugta urursato, waliba kuwa aan anagu sheegnay maaha kuwaad adigu sheegtay Cawil waa nin weyn waa nin waayaro-arag ah waa khabiir, waxaad isku odhan jirteen Umaddu wey yaaban tahay, maantana wixii isku kiin geeyey waa laga yaaba yahay”.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda Maaliyadda Eng: Maxamed Xaashi Cilmi oo isna halkaas ka hadlay ayaa waxa uu ka xog waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay, midawgii ay la midawday Somaliya, qaabkii ay kula soo noqotay xoriyada iyo nidaamka dawladnimo ee Xukuumadda, waxaanu yidhi “Barlamaankeenu waxa uu ansixiyaa Wasiiro fara badan oo dalkan yari qaadi karin, dadku wey shakiyayaan, oo waxa ay odhanayaan intaas oo Wasiir oo Mareykan iyo Ingiriis iyo cid lihiba aanay jirin, maxay iyagu ku falayaan, waxa kale oo ay Barlamaankeenu ansixiyaan Mushahar fara badan oo Madaxdu qaadato, taasina waxa ay abuuraysa shaki odhanaya Mushaharka Mareykanku waa 32-kun iyo wax la jira, maxa ka Somaliland ka dhigay 36-kun iyo 117 bishii, kuwani waxba garan maayaan ayaa meesha ka soo baxaysa, waayo Mareykanka weyn inuu Mushaharkeenu ka bataa meesha kumay jirin, markaas Barlamaanku wixii Golaha la keenaba wey ku dhagaan oo wey ansixiyaan”.
Eng: Maxamed Xaashi Cilmi ayaa mar uu ka hadlaayey Doorashada waxa uu yidhi “Guurtidu marka la gaadho wakhtiga Doorashada waxa ay la soo boodaan waanu kordhinaynaa, kordhisku sabab buu leeyahay, sababtaas Dastuurka inoogu qorani ma dhacdo, sababtuna waxa ay odhanaysaa waa inay aafo dhacda Doorashada lagu qaban kari waayo, dhul gariir baa ka mid ah dagaalo balaadhan baa ka mid ah, wixii ay ku iman lahayd ma jiraan, haddana waanu kordhinaynaa bay yidhaahdaan, waxaynu imika maraynaa mar aanay Xukuumaddu sharci ku fadhiyin, oo Guurtidii sharci ku fadhiyin, oo Barlamaankii sharci ku fadhiyin, is xukun ay is xukumaan umaba qalmaan baa soo baxday”
Eng: Maxamed Xaashi ayaa mar uu ka hadlaayey Dakhliga ay Xukuumaddani kala wareegtay Xukuumaddii hore ayaa yidhi “Tuugadii waxay noqotay fasax, maamulkani waxa uu yidhi markii uu ka tirsaday kii hore, ee Saddexda Guddi loo saaray, ee ay kala saareen dakhligii iyo kharashkii dhabta ahaa waxa ay soo saareen 153-milyan iyo waxa la jira, waxa dheera saddex bilood oo aanay mushaharka Shaqaaluhu qaadan, laba bilood oo Ciidamadu aanay qaadan, dayn lagu lahaa, Raashinkii Cisbitaalada, Ciidamada iyo Asluubta (Jeelasha), oo is gaadhay, marka aanu isku gaynay 153-milyan ayey isku noqotay, waxa la yidhi yaan waxba laga soo qaadin, waxa markaas Xukuumaddani balaqday albaabkii musuqmaasuqa,waana ta ina dhaxalsiisay in saddexdii Gole in sharcigii ka baxeen, oo wax sharciya oo ay ku fadhiyaan aanay jirin,inaga ayaa is dhignay meesha inagii dawladnimada ka hor helnay Somaliya in la yidhaahdo iyaga ku daba fayla waa wax aynu iskugu wacanay, imikana wax aan qabaa wada hadalada iyo waxaas iskaga baxaan oo ay u soo noqdaan danaheena”
Eng: Maxamed Xaashi Cilmi ayaa dhanka kale waxa uu ka hadlay xasuuqii ay Somaliya u geystay Shacabka reer Somaliland, waxaanu sheegay in ilaa hadda jiraan xabaal wareedyo dayacan, oo loo baahnaa in la ilaaliyo, si caalamka loogu soo bandhigo xasuuqii dhacay, waxa kale oo uu ka hadlay Dekada Berbera oo muddo lix cisho ah xidhan oo uu sheegay in dakhli aad u badan iyo maaliiyin lacag ahi oo uu ku sheegay inay tahay malyuun iyo siddeed boqol oo kun dalka ka lumeen, xadhiga iyo xanibaada lagu sameeyey Dekada darteed, waxaanu sheegay inuu aad ula yaabay sababta uu Maareeyaha Dekada Cali Xor xor uu u xidhay Dekada, balse waxa uu tilmaamay in aanu awood u lahayn ee wax kale ay jiraan.
Eng: Maxamed Xaashi ayaa dhanka kale waxa uu sharci daro ku tilmaamay maamuska Madaxweynaha iyo ku xigeenka, oo uu sheegay inay sharci daro tahay, halka uu sidoo kale tilmaamay inay sharci daro tahay in Xildhibaanadu iyana mushaharka sii qaataan sannad ka dib marka ay xilka ka tagaan.
Maxamed Xaashi iyo Xasan Guure ayaa dhanka kale waxa ay ka hadleen xeerka banaanka ee muranka adag dhaliyey, ee Golaha hor yaala, waxayna soo jeediyeen in dalka u baahan yahay in laga furo baanan badan oo sharci iyo shareecada Islaamka waafaqsan.