Xasan Daahir Aweys Oo Sheegay Inuu Khilaaf Ka Dhex Taaganyahay Al-Shabab

0
592

 

awaysSheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Al Shabaab ayaa sheegay inuu khilaaf ka dhex jiro kooxda Al-Shabaab.

Kadib markii Al Shabaab ay baneeyeen inta badan magaalada Muqdisho ayaa Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Saraakiisha Al Shabaab oo la hadlay qaar ka mid ah Warbaahinta Muqdisho,  waxa uu sheegay inuu jiro khilaaf u dhaxeeya Saraakiisha Al Shabaab, waxase uu khilaafkaas ku tilmaamay mid wax dhisaya.

Xasan Daahir Aweys ayaa sheegay in dadka badankood aanay  fahmin waxa uu yahay is-bedelka ay sameysay al-Shabab, isagoo xusay in talaabadasi ay ku eegtahay inay difaacyadii ka baxeen dagaaladiina sidoodii yihiin.

Xasan Daahir ayaa sheegay in khilaafka u dhaxeeya Al Shabaab  uu salka ku hayo ka bixitaankii Al Shabaab ee magaalada Muqdisho oo uu xusay in mar hore loo baahnaa iyo xuskii degmada Afgooye loogu sameeyay Hogaamiyihii Al Qaacida Usaama oo raga qaar ay diidanaayeen inkastoo taasi uu Xasan sheegay in markii dambe la xaliyay.  

Sarkaalkaani ayaa waxa uu sheegay in marar badan ay soo jeediyeen isaga iyo Saraakiil kale oo ka mid ah Al Shabaab inay isaga baxaan magaalada Muqdisho si dagaalka ay uga dhigaan sida kuwa dalalka Pakistan iyo Afghanistan balse waxa uu cadeeyay in arintaasi ay ka biya diideen qaar kale oo Saraakiisha ka mid ah,  isagoo sheegay inay khalad ahayd in la is hortaago ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM maadama sida uu sheegay ay wataan taangiyo dagaal Al Shabaana aanay haaysan taangiyo ay ku dagaalamaan.

Ugu Dambeyn Xasan Daahir Aweys waxa uu sheegay in Al Shabaab ay wali ku hadhsan yihiin qaybo ka mid ah magaalada Muqdisho islamarkaana ay sii wadaayaan dagaalada ka dhanka ah ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay inay u badaleen weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah inta ay dalka Somaliya ka saarayaan.