Djibouti Oo Laga Furayo Wershad Saliida Safaysa

0
750

 

jabuutiDalka Jamhuuriyada Djibouti ayaa laga furayaa warshad saliida (Gaaska) sifaysa oo lagu maal galiyey lacag gaadhaysa 150 million oo dollar. Shirkada Al Brooge la yidhaahdo ee laga leeyahay dalka UAE ayaa hantida shirkada 75 % yeelanaysa halka 25 % ay Jabuuti ka leedahay.

Dalka Jabuuti ayaa xawaare dhaqaale ku socda maadaama oo uu yahay isha ka iftiimaysa geeska Afrika wakhtigan la joogo. Mashruucan ayaa shaqo u abuuri doono  qaar badan oo ka mid ah bulshada reer Djibouti.

Shirkadu ma ay cadayn sidoo kale halka ay ka keenayso saliida waxayse sheegeen inay saliid jaban loo raadinayo iyadoo baahida saliideed ee dalka Itoobiya uu aad usii kordhayo.

Dalka Imaaraatka carabta ayaa 300 oo million galiyey dalka Jabuuti oo la wareegay dikeda Doraleh si loo maamulo shixnada u gudbaysa dalka Itoobiya oo ah dal aan lahayn bad. Dhismaha warshaduna wuxuu bilaabmayaa 6 bilood gudahood – Suuqa saliidani wuxuu sidoo kale u gudbi doonaa dalalka ay ka mid yihiin Kenya iyo Uganda

Khaleej Times iyo Lughaya