Laba Baabuur Oo Kala Weyn Oo Shalay Si Xun Isugu Duqeeyay Hargeysa

0
635

 

shil baabuurHargaysa(Geeska)-Waxa shalay badhtamaha magaalada Hargeysa si xun isugu duqeeyay laba baabuur oo aad u kala weyn, kuwaas oo kala ahaa Booyad iyo baabur yar oo ah nooca loo yaqaan Indhacadaha.

Isku dhaca labadaas baabuur oo ka dhacay cisbitaalka weyn ee Hargeysa jidka muhiimka ah ee hormara lama sheegin wax khasaare ah oo ay sababeen, marka laga reebo burbur soo gaadhay labadooda. Baabuurka indhacadaha ah oo ka yimid dhinaca Bari ayaa ku dhacay Booyada oo ka timid dhinaca galbeed, waxaanu khasaare ba’ani soo gaadhay indhacadaha oo u muuqday inuu afka hore baaba’ay, mana muuqan khasaare soo gaadhay booyada marka laga reebo xoogay yar oo xagtimo ah inkastoo ay ka jeedsatay jihadii ay ku socotay. Ciidamada taraafiga oo halkaas yimid ayaa ku hawlanaa kala saarista cidda khaladka leh, waxaana markii uu shilku dhacay oo ahayd duhurnimadii shalay ku soo xoomay dadweyne tiro badan.

Shilakan baabuur ayaa ahaa kuwo aad u tiro badan, waxaana inta badan sababa waddo xumo iyo masuuliyad yaraanta qaar ka mid ah wadayaasha baabuurta, waxaana sannad kasta shilalka baabuurta naftooda ku waaya qaar badan oo ka mid ah bulshada Somaliland.