Xasan-codyare Oo Ka Dayriyay Inay Xukuumadani Heli Karto Daawada Sicir Bararka

0
536

Hargeysa (Geeska)-Xasan Xuseen Maxamed (Codyare), oo ka mid ah Masuuliyiinta Xisbiga mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay sicir bararka dalka ka taagan, waxaanu sheegay in ilaa hadda Xukuumaddu haynin qorshihii lagu xakamayn lahaa ama meesha lagaga saari lahaa sicir bararka, oo uu sheegay inay aad ugu dhiban yihiin dadkii danyarta ahaa, waxaanu xusay inay Xukuumaddu hawlo kale ay ku mashquulsan tahay.

Xasan Xuseen Maxamed (Codyare) oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale sheegay inay Xukuumaddu doorkii looga baahnaa inay kaga qayb qaadato gurmadka abaaraha, in aanay kaga qayb qaadan, waxaanu yidhi  “Mar haddii aanay Xukuumaddu Siyaasad ka lahayn Sicir bararka, waa dhibaato, Xukuumaddiina hawlo kale ayey iskaga jirtaa, Siyaasadii uu Sicir bararku ku yaraan lahaana lama dhigin,ilaa haddana lama hayo,sidii uu ku yaraan lahaana sidan maaha, wax soo saar ma lihin,Siyaasad ma lihin,  suuqa ayaana xukumaya sicir bararka, mar haddii uu Xoolihiina istaageen,Xukuumadduna wax ay dadka u tahay ayaanba jirinba, maxa yeelay inay dadka ilaaliso ayey ahayd, inay dhaqaalayso ayey ahayd, inay siyaasad ka lahaato ayey ahayd, inay daaro dhisato mooye, nuxurkii ay dadka wax ugu qaban lahayd wey ka maqan tahay, sicir bararkana suuqa ayaa wata oo isma taagayo, oo danyartii baa ku baa’bay, dadkii baa ku baa’bay, qarankii baa ku baa’bay. Ilaa Xukuumad kale timaado mooye, inay Xukuumaddani dawo ka noqonayso sicir bararka uma maleeynayo”.

Xasan Codyare mar uu ka hadlaayey Abaaraha ayaa yidhi “Abaartii ka dhacday Galbeed iyo abaartanba waan ka hadlay, abaaraha ALLE ayaa keena, dadaal baa se loo baahnaa, laakiin dadaalkii baa maqan, Xukuumad Dubia iyo meel la iibiyey ka shaqeeynaysa mooye, Xukuumad umadii ka naxaysa, abaartana uga gurmanaysa ma jirto, wixii yimaadana bakhaaro ayey ku xidhan yihiin, oo ma qaybin karto, markaas qaybtii ayaanay karaynba, abaari wey dhacdaa, balse waa la dadaala, laakiin gurmadkii baa maqan, is xilqaankii baa maqan, qorshihiiba maqan, Xukuumaddii dadka u dadaali lahayd, ayaa dadaalkeedii la hayn, ee ILLAAHAY ayeynu barino”.