Siyaasiga Cali-Baashe Oo Xukuumadda Uga Digay Inay Ku Mashquusho Wada Hadalada Khaatumo

0
595

Hargeysa(Geeska)-Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu cudur daar iyo raaligelin ka bixinayaa war shalay si khalad ah ugu soo baxay wargeyska, kaas oo lagu waraystay siyaasiga caanka ah ee  reer Ceerigaabo Md. Cali-baashe Xaaji Maxamuud, balse sawirkiisa iyo magaciisa lagu khalday wasiirkii hore ee biyaha Md. Baashe Cali Jaamac. Wargeysku, wuxuu warka ku sheegay inuu hadalada hoos ku qoran yidhi Md. Baashe Cali Jaamac, oo ahaa wasiirkii hore ee biyaha, halka ay sax ku ahayd inuu hadalada yidhi Md. Cali-baashe Xaaji Maxamuud oo hadda jooga magaalada Nayrobi ee Kenya. Wargeysku wuxuu raaligelinayaa wasiirkii hore Md. Baashe Cali Jaamac iyo Cali-baashe Xaaji Maxamuud. Warkuna wuxuu sax ku yahay sidan.

Siyaasiga Cali-baashe Xaaji Maxamuud oo ka tirsan xisbiga KULMIYE, kana soo jeeda gobalka Sanaag ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay inaan wakhti iyo hanti lagu lumin wada hadalada lagula jiro kooxda Cali Khaliif Galaydh oo uu sheegay inaanay lahayn macno buuran oo siyaasadeed.

Md. Cali-Baashe oo isagoo jooga magaalada Nayrobi ee dalka Kenya la soo xidhiidhay wargeyska Geeska Afrika, wuxuu xukuumadda ugu baaqay in la fuliyo heshiiskii Awr-boogays ee wasiirada iyo xildhibaanadu saxeexeen islamarkaana deegaanada Dhulbahante laga fuliyo wax qabad iyo gurmadka abaaraha.  “Waxaan doonayaa inaan ka hadlo, waa tii la heshiiyay ee shirka dib u heshiisiinta lagu qabtay Awr Boogays, Somaliland deegaankii dhulbahante way joogtaa oo ilaa Taleex ayaanu gaynay, madaxweynaha ayaa laba goor Lascanod tagay, xudun waa kii tagay, wax hadda taagan oo laga wada hadlo oon ahayn wixii lagu heshiiyay in la fuliyo meesha ma yaaliin, rag lala gorgortamayo oo cusub ma nihin.” ayuu yidhi Cali-baashe.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Qoladan Cali khaliifna waa niman aan awood lahayn oo macaa Buuhoodlihii ay joogeen dadkii degenaa dan ayay u arki waayeen oo way iska soo saareen. Markaas   tacabkan iyo qorshahan la gelinayo ee kolba Djibouti loogu sii  yaacayo waxay ahayd in deegaanka la geliyo. Waa in deegaanka laga daba tagaa oo wax loo qabtaa oo la fuliyaa heshiiskii Awr boogays.”

Isagoo  oo sheegaya cidda mashruuca khaatumo wadata, wuxuu yidhi “Nimaan ku mamay oo xukuumadda ku jira oo dan gaar ah oo shakhsi ay ugu jirto aan dan guud oo Somaliland wadin, dan dhulbahante ahna aan wadin ayaa hawsha wada, odayguna [Cali khaliif] waabu hadloo nin soo jeeda oo wada hadalkan iyo inuu yimaado deegaanadisia hadda diyaar u ah maaha. Markaas wax alla wax naga maqan oon ahayn wax qabad iyo xukuumadda oo looga fadhiyo iyo foliso heshiiskii awr boogays ma jiro, waxaan intaas ahayn oo deegaanka laga sugayaana ma jirto. Markaas wax dani ahi Dhulbahante uguma jirto odaygan la daba ordayaa.”