Xasan Ciise Jaamac Oo Qalbi Furan Ku Qaabilay Siyaasiyiin

0
691

 

gudonHargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor Md. Xasan Ciise Jaamac, ayaa si diiran u soo dhaweeyay siyaasiyiin ka tirsanaa xisbigii UDUB ee burburay oo si rasmi ah ugu biiray ururka uu guddoomiyaha ka yahay.

 

Ururka Xaqsoor ayaa xaflad soo dhawayn ah shalay magaalada Hargeysa ugu sameeyay siyaasiyiintaas oo ay ka mid ahaayeen wasiirkii caafimaadka ee UDUB Md. Cabdi Haybe Maxamed, Xildhibaan Saleban Cali Koore, Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, Abwaan Axmed Saleban Bidde, wasiirul dawlihii xanaanada xoolaha ee UDUB Eng. Aadan Daahir Maxamuud (Aadan-Dheere) iyo masuuliyiin kale.

Md. Xasan Ciise Jaamac, oo hadal soo dhawayn ah ka jeediyay xafladii uu siyaasiyiintaas ku qaabilay, wuxuu sheegay in xubnaha ku soo biiray ururka Xaqsoor ay uga dhigantahay maalin ururka Xaqsoor iyo Somalilandba u ah maalin qaali ah oo xusuus mudan, isagoo ka sheekeeyay taariikhda aqoon iyo siyaasadeed ee masuuliyiinta ururka la bahoobay oo uu tilmaamay inay qiimo ugu fadhiyaan qaranka Somaliland.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, ka sokow soo dhawaynta xubnahaas, wuxuu ka hadlay doorka uu urur siyaasadeedka Xaqsoor ka qaadan karo isu soo dhawaynta shacabka Somaliland, gaar ahaan kuwa gobalada bari, “21kaas sannadood shay uu wadanku garan la’aa ayuu Alle xaqsoor garansiiyay, waana wax Alle loogu xamdi naqo, 18 urur siyaasadeed ayaa wadanka soo maray oo ay 7 hadda ka hadhsanyihiin, doorashadu markay dhacdana ay 3 soo bixi doonaan, 18kaas urur waxay ku dhiiran waayeen ayuu Xaqsoor ku dhiiraday.” Ayuu yidhi Xasan Ciise, waxaanu isagoo qodobkaas sii faahfaahinaya uu raaciyay, “Alle kama dhigee haddii uu Xaqsoor maanta halkaas isku taago, durtaba taariikhda Somaliland wuxuu ka galay bog dahab ah, Alle markuu soo saarana waxaynu rajaynaynaa inuu halkaas ka sii wado. Waxay arrintaasi tilmaamaysaa iyadoo gobalada kale ee Somalilandba aynu mid kasta jecelnahay ayuu haddana ururku xusay laba gobol oo qiimo gaar ah ku leh, waa labadii garab ee hore loo sheegay oo ah labada garab ee keliya ee ay Somaliland ku duuli karto haddii la doonayo inay horumar gaadho. “

Wuxuu sheegay in haddii uu Xaqsoor ku guulaysto talada dalka uu wax badan ka bedeli doono Distoorka Somaliland, qodobadaas uu bedeli doono oo uu sheegay inuu ahmiyad gaar ah u leeyahay u xaqsoorka shacabka Somaliland.

Guddoomiyaha Xaqsoor, wuxuu tallo ku soo jeediyay in cidkastaaba xil iska saarto sidii ay doorashada goleyaasha deegaanadu u noqon lahayd mid cadaalad u dhacda si ay midnimada iyo wada jirka umaddu u sii xoogaysato. Isagoo si gaar ah ula hadlaya xisbiga xukuumadda ee KULMIYE, wuxuu yidhi  “Guud ahaan, gaar ahaan xisbiga xukuumadda, waxaynu ka dalbanaynaa inay iyaguna iska ilaaliyaan cudurka ku dhaca xisbiyada mucaaradka Afrika ee muxaafidka noqda, oo ay ka fogaadaan cadaalad darada iyo awood jacaylka iyo musuqmaasuqa wadamada soo koraya iyo Afrika ee ay xisbiyada dawladda ee muxaafadka ahi sameeyaan, taasi waxay dhalin kartaa nabadgelyo darro, aayo xumo taariikhi ayaanay soo hoyn kartaa haddii aan laga digtoonaan.”

Xildhibaan Saleban Cali Koore, Cabdi Haybe Maxamed, Aadan-Dheere iyo Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, oo iyaguna halkaas hadalo ka jeediyay ayaa sheegay inay sahan dheer ka dib go’aan ku gaadheen inay ku biiraan urur siyaasadeedka Xaqsoor, iyagoo taas ku sababeeyay aqoon dheer oo ay u leeyihiin hoggaankiisa iyo kalsooni ay ku qabaan.