“Geedigii Lixdankii Halka Uu Inala Gaadhay Waa La Ogaa, Maantana Geediga Geedigiisii Ayaa Lagu Jiraa, Waxaana Muuqata In Geedigii Uu Leexad Galay”

1
4071

 

jirdeHargeysa(Geeska)-Siyaasiga caanka ah ee Xildhibaan Cabdiqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde, ayaa sheegay in dalku taaganyahay marxaladii lixdankii, waxaanu sheegay inuu muuqdo geedi u muuqaal eeg kii lixdankii ee lagu khasaaray, isagoo si adag uga digay leexad uu sheegay inuu ka muuqdo geediga  siyaasadeed.

 

Md. Jirde, oo shalay hadal ka jeediyay munaasibad balaadhan oo uu urur siyaasadeedka Xaqsoor u sameeyay siyaasiyiin  culus oo uu Xildhibaan Jirde ka ka mid ahaa oo ka tirsanaa xisbigii UDUB, oo si rasmi ah ugu biiray ururka Xaqsoor, wuxuu hogo tusaaleeyay in dalku marayo marxalad adag. Ugu horayn isagoo Xildhibaanku ka hadlaya xisbigii UDUB iyo go’aanka ay kaga digo rogteen burburkiisii ka dib, wuxuu yidhi  “Anagu waxanu ahayn xisbigii la odhan jiray UDUB, waxaan is leeyahay godabna kamaydun galine waad sugteen intii la sugi karaayay, waanan ka hawlgalnay badbaadintiisa, markaas maaanta toddabada urur ee tartmaaya kii aan codkayga siin lahaa ayuun baan soo galay, golaha xildhibaanadana sahan hore ayaa iga soo horeeyay oo waa kii Xildhibaan Saleebaan Cali Koore halkan ka hadlay isagaana naga sii wakiil ahaa.”

Isagoo Mudane Jirde, ka hadlaya hoggaanka Xaqsoor, wuxuu yidhi  “Saddexda nin ee hoggaaminaya ururkan si fiican ayaanu isku garanaynaa, oo waxaan is leeyahay haddii aad wax ka garan waydo saddex nin oo lagaaga turjumaayo maaha, waa saddex nin oo aad garanayso oo waxii qalooc ah ee aad aragto aad si saraaxad leh aad ugu sheegi karto, ururada kalese waxa laga yaaba inaad tarjumaan iyo wasto u baahato. Ururkan hoggaankiisu Somaliland oo dhan ayuu kulmiyay, Somalilandna waxay Somaliland ku tahay markaynu xaqiiqada ku soo dhawaano labada daraf, magacaas waxaynu xaq u yeelanaynaa marka labadii garbood aynu haysano ee ay talada dalka wax ku yeeshaan,oo waliba si dhab ah ay talada wax ugu yeeshaan, sida ka muuqatana baagag adag ayaa inagala jooga.”

Xildhibaan Jirde, wuxuu sheegay in guddoomiye-xigeenka Xaqsoor md. Cali Sandule, uu dawladnimada Somaliland ka soo qabtay shaqadii ugu adkayd oo ah badhasaabnimadii gobalka Sool, “Shaqada ugu adag ee maanta Somaliland laga qabtaa maaha madaxweynaha ee waa ninka Sool ka soo noqda badhasaab Calina taasuu ku soo guulaystay, hawla badana ka soo qabtay, Calina waa nin reer Hargaysa ah oo haddana reer Saylac ah xidhiidhina kara labada deegaan.” Ayuu yidhi.

Mudane Cabdiqaadir Jirde, wuxuu ka hadlaya xaaladaha siyaasadeed ee ku gedaaman gobalka Geeska Afrika, oo saamayn ku yeelan kara Somaliland iyo doorka uu Xaqsoor ka ciyaari karo wax ka qabashadeeda, “Dabaylo siyaasadeed oo aad u kulul ayaa imika mandaqada ka taagan, indhihii caalamkuna waa ay ku soo jeedaan, waxaas koonfurta [Somaliya] ka socdaa saamayn bay inaga inagu leeyahiin mandaqadana waa ay ku leeyahiin, arimahaas oo kale markay yimaadaan waxa loo baahan yahay hoggaan adag, oo fiiro dheer, oo dhug leh, tiina idiinka warami maayo oo maanta ma muuqato,ma lihi qoladan maanta aynu tukhaan tukhino waxaan leeyahay Xaqsoor talo wayn ayaa looga baahan yahay, in sidii marxaladaas adag looga gudbi lahaa uu Xaqsoor taladeedii la yimaado, marxaladahaas marka la gaadho talada inyar oo is garanaysaa iskuma koobto, talada waa in dadka wax laga siiyaa.” Sidaas ayuu yidhi Cabdiqaadir Jirde.

Marxaladda uu dalku maanta marayo ayuu aad uga digay, waxaanu Cabdiqaadir Jirde yidhi hadal xikmad xambaarsan, “Marxalada aynu maanta taaganahay waa halkii lixdankii, geedigii lixdankiina halka uu inala gaadhay waa la ogaa, maantana geediga geedigiisii ayaa lagu jiraa, hadduu geedigu kaa qaloocdo, meel aad u soo noqoto hadhaw ma helaysid, waxaana muuqata in geedigii uu leexad galay, leexadkaas sidii loog badbaadi lahaana waa Xaqsoor oo xisbi mucaarad ah noqda, 15 sanadood iyo laba bilood ayaan xildhibaan ahaa, mid iyo labana waan ogahay; waxaanan ula imi inaan Xaqsoor waxaan talo iyo tamar iyo khibradba leeyahay isla agtaago, waanan isla agtaagayaa.”

Comments are closed.