Xasan Ciise Jaamac Oo Ka Digay In Dad Doorashadii Ka Gadoodsani Ay Madaxweyne Silanyo Ku Mudaharaadaan

3
563

 

Picture5Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha ururka Xaqsoor Md. Xasan Ciise Jaamac, ayaa tallaabo khalad ah ku tilmaamay in dad ka gadoodsan natiijadii doorashada deegaanku ay ku mudaharaadaan Madaxweynaha Somaliland, marka uu gaadho magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Md. Xasan, oo xalay soo saaray warsaxaafadeed uu nuqul ka mid ah soo gaadhsiiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu ku baaqay in la joojiyo mudaharaadkaas ka dhanka ah Madaxweyne Siilaanyo oo maalmihii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay abaabulkiisa, waxaanu Xasan sheegay in mudaharaadkaas uu ka faa’iidaysanayo cadowga Somaliland. Warsaxaafadeedka uu Xasan Ciise Jaamac; soo saaray, wuxuu u dhignaa sidan: “Warar ayaa naga soo gaadhaya London in dad ka cadhaysan dulmigii ka dhacay doorashooyinkii u dambeeyay ee Somaliland ay hadal hayaan in mudaharaad lagu dhigo Madaxweynaha Somaliland, imika inta uu joogo London. Arrintaas waxaanu u aragnaa talaabo khaldan oo uu ka faa’iidaysan karo cadowga Somaliland, iyadoo uu hoggaanka Xaqsoor ku mashquulsanyahay sidii cadaaladda loo horkeeni lahaa dambiilayaashii dulmiga ka dhacay doorashooyinkii u dambeeyay ee la boobay ee Somaliland. Haddana ma ogolin in cadowga Somaliland soo galo arrimaha gudaha oo uu inagu wiirsado.

Waxaan idin xasuusinayaa in raasamaalka siyaasiga ah ee Somaliland kaga jira hoggaanka Xaqsoor, xubnihiisa iyo taageerayashiisa oo ay naf iyo maalba u huri jireen aanu kaga jirin cid kale. Sidaas awgeed Xaqsoor wuu uga lexe-jeclo badanyahay dalkeena Somaliland cid kastoo kale, waxa kaliya ee Xaqsoor uu imika ku dedaalayaa waa inuu saxo dulmiga doorashada ka dhacay, dulmigana waxa keliyaata ee lagu sixi karaa waa cadaaladda iyo Xaqsoor, cadaaladuna waa waxa keliya ee midayn kara dadkeena, waana waxa keliya ee sugi kara qaranka iyo nabadgelyada wadankeena. Dulmigu waa cadowga koowaad ee umadda, midnimada iyo ammaankana dulmigu wuxuu u cunaa sida uu dabku u cuno xaabada, haddii intaas aan la wada qirin oo aan la wada taageerin waa khasaare halgankii dheeraa ee qadhaadhaa ee reer Somaliland ay ugu hureen naf iyo maalba.

Sidaas awgeed Xaqsoor gacana wuxuu ku sugayaa inshaalah cadaaladda, lama huraanka u ah umadda, gacanta kalena wuxuu ku riixayaa oo uu ku fogayn wax kasta oo uu cadowga Somaliland kaga faa’iidaysan karo arrimaheena.

Mudaharaad ka dhacaya meel fagaare ah lama kaantarooli karo, qof keliya oo ujeedo leh ayaa ka dhex muujin kara calan ama Boodh liddi ku ah Somaliland, oo markaas ku dhoobaysan kara ujeedadii inaynu cadaaladda ku soo celino kuna dhisno Somaliland. Khamaarkaasi maaha mid ay qaddiyadeenu u baahantahay.”

Comments are closed.