Ban Ki Moon Oo Si Kooban Uga Hadlay Doorashooyinka Dalka Somaliland Ka Dhacay

0
493

 

Picture4Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki Moon, ayaa warbixintiisa saddex biloodlaha ah ee u gudbiyo golaha ammaanka, wuxuu si kooban ugu soo qaatay dhawr qodob oo Somaliland khuseeya.

Warbixintan oo uu Mr. Ban Ki Moon 31 January u gudbiyay golaha ammaanka, wuxuu inta badan kaga hadlay dalka Somaliya oo uu sheegay inuu horumar ka gaadhay dhinacyada amniga iyo siyaasadda. Waxase uu si kooban uga hadlay arrimo ku saabsan Somaliland. Waxyaabaha uu ka hadlay waxa ka mid ah doorashadii goleyaasha deegaanka Somaliland ee qabsoontay 28 November, taas oo uu sheegay inay ka soo baxeen saddex xisbi qaran oo uu dalku yeelan doono 10ka sannadood ee soo socda, isagoo sheegay in degmooyin ka tirsan bariga Gobalka Sanaag, meelo ka tirsan Gobalka Sool iyo degmada Buhodle oo ka tirsan gobalka Togdheer ay arrimo amni darteed doorasho ka dhicin.

Mar uu ka hadlayay dhibaatooyinkii dhimasho iyo dhaawac lahaa ee ay natiijadii doorashadu sababtay, wuxuu sheegay in ay natiijadu sababtay gadood dadweyne iyo xiisado siyaasadeed.

Mar uu Mr. Ban Ki Moon ka hadlayay xukun ay maxkamad milatari oo Hargeysa ahi kal hore ku riday dad shacab ah oo ay isku dhaceen ciidamada qaranka, wuxuu xoghayaha guud warbixintiisa ku sheegayin Madaxweyne Siilaanyo bishii September maxkamadda distooriga ah u gudbiyay kiiska 23-kaas ruux oo ay maxkamadu ku xuntay dil iyo xabsi daa’in.

Muranka ka taagan Sool, Sanag iyo Cayn ayuu sheegay inuu u muuqdo qodobka ugu culus ee  keenaya xasilooni darada Somaliland,  inkastoo, ayuu yidhi  “bishii August heshiiskii nabadeed hogaamiyahii hore ee Sool,  Sanag  iyo  Cayn,  Saleebaan Xaglatoosiye, dhacay, jid-gooyada, toogashada iyo weeraro loo adeegsanayo waxyaalaha qarxa ayaa weli joogto uga dhaca aagaga lagu muransan yahay khaatumo.”