“Madaxwayne Ku Xigeenku Waa Inuu Hadlaa Oo Uu Wadanka Badbaadiyaa, Danta Dalkana Lagama Xishoodo Waana Sharci; Waxa Qaldana Waa Inuu Ka Hadlaa”

0
3915

Picture6Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga UCID Md. Faysal Cali Waraabe, ayaa sharci darro ku tilmaamay in Madaxweyne Axmed Maxamed siilaaanyo uu isku dayo inuu distoorka furo, waxaanu sheegay inaan loo baahnayn laba madaxweyne xigeen.

Md. Faysal Cali Waraabe, oo isagoo jooga dalka Finland; xalay u waramay Geeska Afrika, waxa kale oo uu soo jeediyay qorshe uu ku magacaabay bad-baado qaran. Waxase uu soo dhaweeyay safarka uu Madaxweyne Siilaanyo dibadda ugu baxay, “Waxaad moodaa in laynagaga adkaaday dhankii diblomaasiyada, markaas waa ay fiicantahay inuu madaxweynuu baxo oo uu Ingiriiska iyo Maraykanka iyo dhulkuu gaadhi karoba intuu tago oo uu ka hadlo mawqifka Somaliland iyo aayo ka tashigeeda, waana waxa loo baahnaa oo mudadii labada sanno ahayd ay dawladani ka seexatay, waxaanad moodaa in arimahii dibada laynagaga adkaaday  oo qadiyadeenii laga dhigay wax wakhtigeedii dhammaaday, markaas aad baanu u soo dhawaynaynaa inuu baxo oo uu la kulmo dawladahan imika buun buuninaaya dawlada Xamar.” Ayuu Faysal yidhi.

Mar la weydiiyay sida uu u arko khilaafka ka dhex jira Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, wuxuu yidhi “Anagu khilaaf uma aragno ee waxaanu u aragnaa badbaadadii qaranka, madaxwayne ku xigeenkuna waa inuu hadlaa oo uu wadanka badbaadiyaa waana wixii aanu arkaynay ee lagu sheekaysanaayay, danta dalkana lagama xishoodo waana sharci  waxa qaldan waa inuu ka hadlaa. Arintuna waxa weeye in dalkii ciddii ka naxaysaa khatar ayuu ku jiraa waan in la sameeyaa sidii loo badbaadin lahaa.”

Faysal Cali Waraabe, oo ka jawaabayay su’aal ahayd aragtidiisa ku waajahan qorshaha uu Madaxweynuhu soo bandhigay ee ah in dalku yeesho laba madaxweyne xigeen, wuxuu yidhi “Waa qalad, madaxweynuu kaligii ma furi karo kaligiina waxba ma soo jeedin karo dastuurkuna waa arin qaranka u taala  oo umadda ayaa ka tashanaysa,  oo maaha xeer uu madaxweynuu hindisaayo waana mabnuuc in madaxweyne ku xigeen labaad la samaayo. arinkuna maaha laba madaxweyne ku xigeen ee dastuurka in la furo ayaa loo baahan yahay oo gudi qaran loo saaro  oo arimo badan laga wada hadlo oo waxyaabaha shirka aanuu qabanayno aanu kaga hadlayno ayay ka mid tahay, oo haddana dadka aanu isugu yeedhi doono shir qaran oo gudaha Somaliland lagu qaban doono, markaas intii Somaliland ka naxaysay waa inay kacdaa oo gacmaha laysku qabsado sidii loo badbaadin lahaa qaranka, waxaana la gaadhay heer aan imika lagu halayn karayn xukuumada oo hadaynu sii daawano tacabkeenu uu ku danbaynaayo tacab qasaar.”