Xasan Ciise Jaamac Oo Booqday Dadkii Ku Dhaawacmay Rasaastii Ciidamada Booliska

0
629

xasan-ciiseGuddoomiyaha Urur Siyaasadeedka Xaqsoor Md. Xasan Ciise Jaamac ayaa shalay Booqasho ugu tagay Dadkii ku dhaawacmay Rabshadihii dhawaan ka dhacay degmadda Axmed Dhagax ee Magaaladda Hargeysa.Dadka Oo Ay Dhaawacyadoodu Isugu Jiraan Kuwo culus iyo kuwo sahlan ayaa waxa guddoomiyuhu ilaahay uga baryay in uu caafimaad Sareecan ah siiyo.

Ka dib booqashadaasi ayaa mar uu u waramayay warbaahinta waxa uu yidhi “Waxa aan soo booqday dadkii dhawaan ku dhaawacmay Shaqaaqadii ka dhacday Hargeysa,  waxaanan ilaahay uga baryayaa intii ku dhimatay in uu naxariistii janno ka waraabiyo inta dhaawaca ahna uu Caafimaad sareecan ah siiyo” ayuu yidhi.Dadka ka dhaawaca ah ee ku jira cusbitaalka Edna, intooda uu dhaawacoodu fudud yahay ayaa uga sheekeeyay sida ay wax ugu dhaceen, Waxaanay sheegeen in rasaasta dhaawaca u geysatay ay ahayd mid si gaar ah loola artilmaameedsaday.Gabadh ka mid ahayd iyadu dadka dhaawaca qabay ayaa sheegtay in mid ka mid ah ciidamadda Boolisku uu Madaxa kala dhacay qori dabadii isla markaana ay hadda ka soo raynayso xaaladeeda caafimaad.Dhinaca kale eheladda Ubadka ku dhaawacmay shaqaaqadaasi ayaa uga mahad celiyay guddoomiyaha urur siyaasadeedka Xaqsoor Booqashadda uu ugu tagay.