Dareen-celinta Faaradle Maraykan Ah Oo Goob Joog Ka Ahaa Doorashadii Somaliland

0
588

lolHargeysa (Geeska/The Westmorland Gazette)- Nin u dhashay magaalada Allithwaite, ee Maraykanka, iskana leh faarad samaysa qalabka guryaha ayaa sheegay inuu Somaliland u yimid indha-indhaynta sida doorashooyinkii deegaamadu u dhacayeen.

Robin Le Mare, ayaa muddo laba wiig ugu sugnaa Somaliland isagoo qeyb ka ahaa goobjoogeyaashii caalamka ee  Somaliland u yimi la socodka sidii doorashooyinka deegaamadu uga dhaceen Somaliland.

Inkastoo nidaamka doorashooyinka ee dalkani weli xilligii koriinka ku jiro, dhowr doorashooyin kala duwana soo galeen, weli shacabku aqoon badan uma laha doorashooyinka. “Way ka duwan tahay doorashooyinka halkan aan ku aragno, sababtoo ah, waa nidaam si joogto ah aan u samayno, isla markaana aan ku soo kornay” ayuu yidhi Mr Le Mare.

“Laakiin, wax cusub ayuu ahaa nidaamkii aan arkay. Dhaqan ahaan qabaa’il uma gelayn codeynta, si qof loogu doorto, balse wada xaajood ayuu ku imanayey.”

Maadama uu hore ugu soo shaqeyn jiray hay’adda Action Aid, wadamada Somaliland iyo Ethiopia, waxuu booqasho ku tegay Somaliland marar kala duwan intii u dhexeysay 1994 ilaa 2006, isla markaana sheegay inay waayo-aragnimo weyn u tahay inuu ku laabto dal iyo dad uu aqoon fiican u lahaa..

“Weligay hore goobjooge doorasho ugama noqon Somaliland, laakiin, markaan maqlay waxa la doonaya agoobjoogeyaal iskood u taga, waan ku soo booday fursadaa. Waxa joogay 55 goobjooge, ka socday 15 wadan, iyo Soomaali, markaa waxuu dhabtii ahaa hawlgal caalami ah.”

Dhinaciisa, Mr Le Mare ayaa u socdaalay magaalada Boorama, oo isaga iyo saaxiibadii kormeer ku marayeen goobaha codeynta.

“Dhamaadkii codeynta, waxaan u joognay sidii loo xidhay sanaaduuqda, tirintii socdeyntuna u bilaabatay. Si wacan ayey u dhacday. Waxa si weyn ii soo jiitay khibrada iyo aqoonta gudoomiyahii goobtaa aanu joognay tirinta codeynteeda. Nin dhalinyaro ah oo dhigta jaamacada u dhow, isla markaana uu caawinayey nin weyn oo macalin iskuul ahaa. Waxa hawshii loo qabtay si aad u wanaagsan.”

Codeynta ka dib, qof walba waxa farta loo gelinayey khad, si aanu mar danbe u codeyn.

“Codeyaashii waxay si weyn ugu mashquulsanaayeen hawlahaa, oo cajiib ahaa,” ayuu yidhi, “Laakiin waxay ahayd bartii xumaynasay nidaamka.”

Progressio, ururkii ka caawiyey isu imaatinka goobjoogeyaasha, waxuu hore ugu sheegay in dumarku doorashada ku jiraan. Inkastoo sannadkii 2002 shan dumar ah ku jireen xildhibaanada la dooranayey, wakhtigan ugu yaraan 140 ayey ahaayeen.

“Si kasta, waxay u ahayd wado dumarka u furantay, inkastoo weli bulshada siyasadeeda ay buuxiyeen raga iyo hab qabiil.”

“Laakiin, mushkilada ugu weyn dumarka wa aku yaraanta xilalka sare, sid aaqalka wakiillada.”

Afhayeen u hadlay Progressio ayaa mahadnaq u soo jeediyey goobjoogeyaashii caalamiga ee wakhtigoodii u huray inay doorashada yimaadaan.

“Maadama ay goobjoogeyaal caalami ah yimaadeen, nidaam dimoqraadi da’yar sidan, taasi waxay siinaysaa fursad ay ku helaan markhaati dibedeed sida xorta iyo xalaasha ee doorashooyinku u dhaceen.”

“Taasi waxay caawinaysaa qeybtan mushkiladahu saameeyeen aduunka inuu dalkani xasilooni dheeri ah helo. Goobjoogeyaashu, dhabtii isbedel ayey ku samaynayaan nolosha dadka.”