Muuse Biixi Oo Ka Hadlay Rabshadihi, Dhinacna Iskaga Leexiyay In KULMIYE Doorashada Ku Shubtay

0
483

HPicture2argaysa( Geeska )-Guddoomiyaha Xisbiga taladda haya ee Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay rabshadahii dhawaan ka dhacay magaalada Hargaysa, iyo eedaymaha loo jeediyay xisbigiisa ee ah inay doorashada ku shubteen.

Muuse Biixi oo Shir Jaraa'id ku qabtay Xarunta Xisbiga Kulmiye ee Magaaladda Hargeysa wax uu waxba kama jirana ku tilmaamay ku shubasho xoogan oo ay ku eedeeyeen ururadii la tartamaayay, waxaanu xisbigaas ka difaacay in aanu ku lug lahayn wax ku shubasho ah,ugu danbayntiina waxa uu gudoomiye Muuse Biixi taci u diray dadkii ku dhintay rabshadihii ka dhacay Magaaladda Hargeysa. Waxanu yidhi “Xisbiga Kulmiye Wax ku shubasho ah oo uu sameyey ma jirto, ku shubashaduna waa Xaaran, laakiin wali maanan Arag Komishanka oo leh wax baad ku shubateen, ama Maxkamada sarre ama urur laakiin Warbaahinta ayaanu ku arkaynaa waxaasina waa been oo ma jirto kumanaan shuban.”

Muse Bixii oo la waydiiyey in Musharaxiintii Xisbiga Kulmiye Cododkooda layswaydaariyey oo Xildhibaano aan soo bixin la soo saaray ayaa wax uu ku jawaabay. “Nin walba oo dhacay in uu ku qanco ayey ahayd Natiijada Doorashada, laakiin waa iska caaddi in dadku wax taban karaan, cidii Musharixiinta Xisbiga ee Wax tabanaysa waa la qancinayaa oo wax la hayaa Dhammaan Musharax kasta Dadkii u codeyey iyo goob kasta oo looga codeyey, laakiin ma jirto cid Xisbiga ka sharaxnayad oo la musuqmaasuqay.”

Muuse Biixi Cabdi oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi “Shacabka Somaliland waxay mar labaad Kalisooni Siiyeen Xisbiga Kulmiye si uu u sii waddo barnaamijkii xisbigu ku soo baxay, runtii Xisbigu wax uu ku dadaalayaa in uu sii waddo Wax ka qabashada Fakhriga taasina waxanu balan qaadaynaa in aanu warshado yaryer aanu dadka u sameydoono, Waxanu wax ka qaban doona Sidii loo kobcin lahaa Dhaqalaha dalka loona so saari laha shidaal, waxanu xoojindoonaa Nabadgelayada Dalka.”

Ugu dambayn guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, wuxuu tacsi u diray dadkii ku geeriyoday rabshadihii ka dhacay Hargeysa, “Waxaan tacsi u dirayaa dadka ku geeriyooday rabshadahaas, kuwa dhaawaca ahna waxaan Alle uga baryayaa inuu caafimaad taam ah siiyo.” Ayuu yidhi Muuse Biixi.