Xasan Al-Banna: Dheemankii Qarniga Qore: Sh. Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub Qaybtii 10aad

0
977

Xasan Al-Banna: Dheemanki qarniga

1

Rabbi haka yeelo mid uu ku maamuso jannooyinkiisa qaaliga ahe, wuxu la yimid qaab-fikir ka duwan wixi la hayey; wuxu ifiyey tubtii toosnaanta, wuxu tilmaamay dariqii guusha, wuxu sheegay qaab-socodka hadda Muslinku hayaa in uu yahay kii cadawgu doonayey in lagu huursanaado.

Sheekhu intu masaajid fadhiistay kitaab lama uu soo kala bixin oo ma sharixin, se wuxu qaaday tubtii Rasuulka CSW ee ahayd inu dhaqan ku baddalo wixi gurracan.

Wuxu ahaa Imaamku nin ku baraarugsan ciyaar kasta oo ay dheelayaan galbeedka iyo barigu ba. Wuxu ogaa labada nidaam ee ay kala wataan in lagaga hortagi karo un mabda’ la mid ah ka ay wataan oo lagu booriyo. Waa dawlad weyn, in dawlad weyn la helo. Waa aqoonyahanno, in duul aqoonyahanno ah la helo. Cudud bay leeyihiin, waa in cududdaa mid la mid ah la helo. Haddii kale iyagaa raciyad loo ahaan.

Qaab-fikirkaa waa ku Rasuulku CSW lahaa; “Korreeye boqolkii sannadood ba wuxu u soo saara ummaddiisa mid dib u soo nooleeye diinta.” Ee u soo saaray Daa’uud, Albaanina xasan ku sheegay.

Raggii hore ee aynnu bar-bilawga qoraalkeenna ku soo sheegnay iyaguna sidan oo kale ayey xilligoodi ugu istaageen inay tilmaamaan waddadaa laga leexday ku soo noqoshadeeda, sidaasa ay iyaguna uga mid noqdeen rag ku sifoobay xadiiskan. Imaamkuna ugu sifoobayaa tilmaantaa xadiisku sheegay.

Imaam Banna xilligiisu waa wakhti Muslimiintu noolayeen laba daran; Afkaarihii Shuuciyadda iyo tii galbeeedka oo Muslinkii xilligaa noola oo awood, aqoon, dhaqaale ahaan ba  dumay moodayeen in lagu gaadhayo raaciddoodaa waddadii guusha.

Imaam Xasan Al-Banna Ilaahay ha u naxariistee wuxu u is taagay in uu bidhaamiyo dariiqa guushu in aannu waxan ay wadaan ahayn ee uu ka sal-balaadhan yahay inta la moodayo. Waa dariiqa Alle SWT oo si dhab ah tubtiisa loo qabsado. Wuxu sheegi jiray in labadan mabda’ ee loo kala dheeraynaya wakhtigoogi gabaabsi yahay. Mid waa la ogaa ‘Shuuciyaddii’ kan kale na wuu iska soo gababsan doona. Se mabda’a xaqa ah ee Islaamnimadu waa mabda’a kaliya ee dunida waaraya ilaa maalinta kawnka la laabayo, si kasta oo uu xagal daaco noqon maayo mid jirid beela.

Imaamka iyo raggiisi waxa ay alifeen bugaag iyo qoraallo maanka qofka la hadla, oo qof kasta oo akhriya si dhab ah isku baddalayo ogaanayo na xaggii laga yimi, xaggii la gaadhay, in sidan la ahaado waxa keenay iyo xalka lagaga bixi karo.

Bugaagtaa ay qoreen iyo khudbadahaa ay jeedinayeen waxa ay ahayeen qaar ka geddisan sidii hore ee wax loo sheegi jiray. Kutubta Callaama Qaradaawi,Fiqi-ruug Sayid Saabiq, Xasan Al-Banna, Bakar Abu Sayid  iyo Sayd Qudbi ayaa kuugu filan in aad ogaato.

Waa kutub qaarkood soo godliya arrimo aan hortood la gorfayn, waana ta keenta aqoonyahanno kale inay didmo ka mujiyaan.

Sida oo kale qoraaladooda maanka tuujiya ayaa ah qaar lagu ammaano hadh iyo habeen, oo noqday qaar iska celiyey ama ka badiyey kutubtii caqliga ahayd ee galbeed curinayey.

Gun iyo gunaanadkii qormadeenna oo soo afmeeri doonta taxanihii sooyaalkii nololeed ee Imaam Banna naxariistii janno Alle ha ugu deeqe, waxa qof kasta oo qoraalkan la socday is waydiin karaa sababta aan ugu doortay magaca ah; Dheemankii Qarniga.

Ama la odhan karaa; “Siduu ninkani ugu sifoobay? Ama muu gaadhin darajadaa.” Waxa aan leeyahay kolkii aan arkay; qaab-fikirkiisii, curintiisi, hammigiisi, himiladiisi, iyo doorkii nololeed ee u nolosha ka soo qaatay, sidu u soo saaray rag ilaa maanta dunida Islaamku u ayday iyo in aan hortii sidan loo baraarugsanayn ayaan u doortay in aan idhaa qarnigan waa haldoorkiisi ama dheemanku qarnigani lahaa.

Walaaladayda diidan magaca maqaalka waxa aan leeyahay in aad diidaan waa qiimayntiina oo sidaa tidhi anna qiimayntayda ayaa sidaa tidhi. Raggaa aan hore u soo carrabaabayba ogobey haddaa waa ay jiraan rag diidan in ay ku sifoobeen tilmaantaa xadiiska. La yaabi maayo, sababta oo ah Suubbanaha ba qaar baa diidana nabinnimadiisa.

Dhammaad

Xigasho:

‘Imaam Xasan Al-Banna’ Anwar Jundi; oo aan ka helay maktabadda Sheekh Aadan Siiro.

‘Tarbiya Islaamiya wa Madarasatu Xasan Al-Bann’ Callaama Qaradaawi

‘Tarbiya Siyaasiya  Cinda Imaam Xasan Al-Banna’ Callaama Qaradaawi

‘Amsaalatu Min Tarbiyatu Xaddaariya Cinda Imaam Banna’ Sayid Dusuuqi

‘Mucaalim Mashruucu Xaddaari fi Fikri Imaam Shahiid Xasan Al-Banna’ Maxamed Camaara

 ‘Man Qutila Xasan Al-Banna’ Muxsin Maxamed

Bogga Facebook: Cabdirisaaq Cabdiraxmaan Xasan Rakuub

Caddaloolka Faysbuugga: Hoyga Sheekh Cabdirisaaq Xasan Rakuub

Email:

cabdirisaaqafrican@hotmail.com

Tell: 063 440 85 03. 97 08 515

SheekhRakuub.wordpress.com