Dacwadda Aanu Faysal Ka Xareeynay Waxay Ahayd In Aanu Noo Noqon Karin Gudoomiye Xisbi Qaran Qalinkii: Eng. Xassan Cismaan (Sabce)

0
706

1Shacabka Somaliland wuxuu mar walba faysal Cali Waraabe ku yidhaa waxaa laysku haystaa musharaxnimadda Jamaal isagoo gudoomiyenimadiisa bilaa sharciga ah ee Xeer 14 ka soo horjeedda oo qofna aan u ogoleyn inuu sadex jeer gudoomiye noqdo ku qarinaaya; isagoo runta ka qarinaaya dacwadaha u yaalla ee ay xildhibaanaddii golaha deegaanka iyo Baarlamaanka, madaxdii xisbigga ka golaha dhexe ay ka dacwoodeen. Isagoo awoodii xisbigga ee golaha dhexe ku takri falay, isagoo hantidii xisbigga lunsaday. Faysal wuxuu u hadlaa sidii madaweyne isaga la doortay ee wuxuu ilaaway in waxa laga hadlayaa ay tahay Xisbi qaran oo la wada leeyahay, markuu leeyahay anigaa wax eryey; sharcigee buu wax ku eryey xeerka xisbigaba kuma taalo e. Waa ninkaa aad arkaysaan isagoo codkiisii iyo muuqalkiisii la hayo wax walba dafiraad cad shacabka Somaliland la hor taagan maalin Ramadaan ah ee cid walba leh xisbigga kuma jiraan sidii oo uu yahay bakhaar yar oo uu leeyahay. 

Maanta xisbiggii oo dacwad buu ku jira oo laysku haysto gudoomiye nimadiisii in uu yidhaa tallo qaran baan ka qayb gelayaa. Talladii xisbiga ayuu wadi kari waayee. Horta Maxaa Laysku Haystaa UCID- Waa Sharci iyo Sharci Daro, Been iyo Run, Xaq iyo Xaqdaro! Xisbigii UCID mar labaad ayuu dacwad isla galay; labadaa jeer uu dacwadda isla galayna Faysal baa gudoomiye ka ahaa. Taasi waxay wax badan kaaga sheegaysaa shakhsiyadda cayda iyo aflagaadadda la soo taagan shaashadaha. Somaliland way ka wada dheregsan tahay in xisbigii UCID ee Faysal aasaasay inuu gebigiisiiba ku biiray Waddani. Haddana Xisbiggii UCID ee la yagleelay iyo isbahaysigii la baxay NEW UCID ee lagu caano maalay; maantana Faysal baa dabadda haya, isagoo Muuse Biixi dabadda ka wado. Maanta Faysal 21 xildhibaan ee Baarlamaanka uga soo baxay 20 ayaa ka raacay Gudoomiye Ciro, ninkii qudha ee ku soo hadhay ee uu amaani jiray oo ah Xildhibaan Maxamed Faarax Qabiile markuu arkay inuu ka soo horjeedo imika waxan uu walaaqanayo ayuu isagiina maanta aflagaadeeyey.

Faysal wuxuu u haystaa in musharaxnimadda Jamaal uun laysku haysto; laakiin wuxuu dafirayaa in xisbigii dhamaa uu dacweeyey in Faysal nin xisbigga wadi karaaya aanu ahayn. Faysal isagoo aan sharci garanaynin ama iska indho tiraaya waa ninka yidhi " berigii aanu Jamaal dooranay Urur baanu ahayn, oo markuu xisbiggu soo baxay dib looma dooran" Hadday sidaasi tahay horta Faysaloow haddii taaddaba laguu raaco miyaanad ogeyn in adiga laftigaaga aan gudoomiyeba laguu doraan ilaa intuu xisbiggu soo baxay. Sidaasi darteed aanad markaasi adiguna ahayn gudoomiye. Xisbiyadda Qaran ama xisbiyo ayeey noqon oo sharciga iyo dimuqraadiyadda ayaa inoo shaqeyn doonta ama Karis xun iyana wax ku la'e, ha adkaysato 

Guul iyo Gobanimo

Qalinkii: Eng. Xassan Cismaan (Sabce)

Xoghayaha Golaha Dhexe ee Xisbiga UCID