Xarunta Maxamed Mooge Oo Daah Fur U Samaysay Buuga Dhibaatooyinka Qaad Iyo Qabyaalad

0
684

Picture1Hargeysa(Geeska)-Xarunta Maxamed Mooge ee Kaydka,Hidaha Dhaqanka iyo Akhriska, ayaa daah fur balaadhan u qabtay buuga Dhibaatooyinka Dhulkeena Qaad iyo Qabyaalad, oo uu qoray wiil dhalinyaro ah.

Xaruntan Maxamed Mooge ayaa barnaamijkeeda Hal ka baro ku daah furtay buugan oo si balaadhan uga warmaaya dhibaatooyinka Qaadka iyo Qabyaaladu ay bulshada ku hayaan, waxaanu qoraagu qaab cilimi ah iyo tusaalayaal badanba ugu soo bandhgay buugan dhibaatooyinka Qaadka iyo qaybgaaladu ay ku hayaan bulshada Soomaalida gaar ahaan reer Somaliland.

Qoraaga buugan oo ah Ibraahin Aw Xasan Ismaaciil( Waabari) oo wax ka barta jaamacadaha dalka Masar, ayaa isku hawlay sidii uu u soo saari lahaa buugan oo uu sheegay inuu jecelyahay in uu wax ka taro dhibaatooyinka qaadka iyo qabyaaladu ay ku hayaan dadka Af-ka Soomaaliga ku hadla.

Ugu horayntii guddoomiyaha Xarunta Kaydka,Hidaha,dhaqanka iyo Akhriska ee Maxamed Mooge Hoodo-ayaan Suldaan Aadan Faarax, oo ugu horayntii ka hadashay daah furka buugan waxa ay tidhi “Waan ku faraxsanay in aynu madashan isugu nimaadno oo dhamaanteen kasoo wada qayb galno iba furka buuga Qaad iyo Qabyaalad ee uu qoray Ibraahin Aw Xasan Waaberi, runtii waxa wax rajo iyo han nafahaaneed  inagu abuuraya in wiil dayar oo qurbe wax ka bartaa uu dareemo dhibaatada dadkiisa iyo dalkiisa haysata iyo labada shay ee dabarka ku ah horumarka dadkeena iyo dalkeena, ilaahay waxaan ka baryayaa in uu inagaga daweeyo kulankeenana ka dhigo mid ilaahay agtiisa laga xuso. ka xarun ahaa waa noo guul in aanu gardaadino buugan waayo ujeedada u wayn ee aanu utaaganay ayaa ah in aanu dhalinyarta ku tageerno da’daalkooda hadii Alle ka dhigana waynu guulaysanaynaa waxaan, umahadnaqayaa dhamaan masuuliyiinta iyo marti sharafta ka soo qayb gashay madashan.”

Buugan dhibaatooyinka Qaadka iyo Qabyaalada waxa  si mug leh u soo bandhigay Cabdisalaan Axmed (Cagaf) oo ka tirsan Xarunta Maxamed Mooge ee Kaydka,Hidaha Dhaqanka iyo Akhriska. Cabdisalaan Axmed ayaa sharaxaad balaadhan ka bixiyay shaqsiyada qoraaga,buuga iyo guud ahaan dhibaatooyinka Qaadka iyo Qabyaalada.

Qoraaga reer Jabuuti Cabdale Xaaji Cismaan,Qoraa Axmed Ibraahin Cawaale,Agaasimaha guud ee wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada Maxamed Axmed Xuseen (Dhabeeye),Guddoomiyaha haayada wanaagfarista iyo xumaan reebista sheekh Axmed Xaaji Maxamud Xiiray, oo daahfurka buugan ka soo qaybgalay ayaa ka hadlay dhibaatooyinka Qaadka iyo Qabyaaladu ay ku hayaan dadka Soomaalida ah, iyaga oo soo dhaweeyay qoraagan isku hawlay wax ka qorista dhibaatooyinkaas Qaadka iyo Qabyaalada.

Qoraaga buugan Dhibaatooyinka dhulkeena Qaad iyo Qabyaalad Ibraahin Aw Xasan Ismaaciil( Waabari), oo isaguna ka hadlay daah furka buugiisan isaga oo Masar jooga waxa uu yidhi“Waan ku raxsanahay in bulshada qaybaheeda kala duwan ay ku kulmeen buugaygan,waxaan ku noolahay dalka Masar oo ay ku nool yihiin qoomiyado kala diin iyo dhaqan ah,waxaan isku arkaa kol hadii buugaygii uu kulmiyay dawladii,culumadii,qorayaashii iyo dhalinyaradii, inuu soo muuqday ifa’faale wanaagsan oo bulshadaydu ay kaga dawoobayso labadan aafo ee aan buuga ka qoray (Qaad iyo qabyaalad), hadii aan caawa dhinto waxaan dhimanayaa geeri xalaal ah,waxan go’aansaday xafladu sida ay u socoto marka lay soo tabiyay in aan buugan sii balaadhin doono.”