Kooxaha Koonfurta Sudan Oo Addis Ababa Ku Kala Saxeexday Heshiis

0
548

Picture2Qeybaha dagaalamaya ee dalka S. Sudan ayaa kala wada saxeexday heshiis xabad joojin ah oo la filayo inuu soo afjaro toddobaadyo dagaal qadhaadhi  uu ka dhex socday dawladda iyo mucaaradka.
 Wufuuddii ka kala socotay madaxweynaha dalka Salva Kiir iyo mucaaradka ayaa heshiiskan ku gaaray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia. Ururka IGAD ayaa dhexdhexaadinta ka shaqeeyey.
 Labada dhinac ayaa labo heshiis kala saxeexday. Ka koowaad ayaa labada dhinacba ugu baaqayay in sida ugu dhakhsaha badan xabadda loo joojiyo, lagana fogaado wixii keeni kara in dagaal mar kale uu dhaco. Heshiiska labaad ayaa ka hadlaya sii deynta maxaabiista la kala hayo.

Magaalada Washington, madaxweynaha Maryakanka Barack Obama ayaa sheegay in xabad joojintani ay timid mid xilli xasaasi ah timid iyo taalabo loo qaadayo dhinaca nabad taabba gasha.