Xarunta Dhaqanka Iyo Kaydka Ee Maxamed Mooge Oo Qabatay Barnaamijka Hal Ka Baro

0
592

 

Picture2Hargasya( Geeska )- Xarunta Kayadka Dhaqanka Akhriska iyo Qoraalka ee Maxamed Mooge,  ayaa kulan balaadhan ku oo ay ku qabteen Hargaysa ku soo bandhigay barnaamij ay ugu magac dareen Hal ka baro, oo lagaga hadlaayay habka wax qorista,suugaanta iyo waliba qoraalo badan oo hore loo   sameeyay.

Xafladan oo agaasim sareeya ka muuqday waxa ka soo xaadiray abwaano uu ka mid ahaa Abawaan Axmed Awgeedi Dheeraad,Yuusuf Shaacir iyo qoraaga caanka ah Boobe Yuusuf Ducaale,qoraa Axmed Xuseen Guuleed,dhilnyaro hal abuur iyo qorayaal isugu jirta iyo marti sharaf  kale.

Gudoomiyaha xaruntan Maxamed Mooge Hoodo-ayaan Suldaan Aadan Faarax, oo halkaas ugu horayntii ka hadashay ayaa sheegtay inay xaruntan tahay mid umadda afka Soomaaliga ku hadasha ay ku kumi karto, laguna kaydinaayo dhaqanka iyo buugta ku qoran afka Soomaaliga, waxaanay daboolka ka qaaday in bishiiba hal mar la qaban doono barnaamijan hal ka baro oo lagu dhiiri galinaayo akhriska,dhaqanka iyo qoraalka.

Qoraa Boobe Yuusuf Ducaale oo dhankiisa kulankaas ka jeediyay faa’idada qoraalku uu qofka u leeyaay, ayaa sheegay in qoraalku uu qofka u sahlo inuu soo gudbiyo dhacdo uu goob joog ka haa, isla markaasna inbadna uu kaydsan karo waxii uu dunida kula kulmo, isaga oo dhalinyarada kula taliyay inay muhiimadu tahay in yeeshaan xasuus qor si ay waxbadan ugu xafidaan.

Abwaan Axmed Aw Geedi iyo Abwaan Mawliid ayaa gabayo kala duwan madashaas ka soo jeediyay.AbwaanYuusuf Shaacir ayaa gabo gabdii halkaa dhalinyarada ku waydiiyay su’aalo la xidhiidha dhaqanka Soomaaliga, waxaana xafladaasi ay ku soo gaba gabawday daganaan iyo wax kala faa’idaysi.