France iyo UK Oo ku loolamaya Diyaarado India laga iibinayo

0
723

 

London (Geeska/DM)- Raysal-wasaaraha Ingiriiska, David Cameron ayaa rajeynaya inuu heshiis iib diyaarado la galo Hindiya, talaabo u muuqata inuu ku afgembinayo  France.

Booqasho uu ku tegay caasimada Hidiya, ee Delhi, Madaxweynaha France, Francois Hollande ayaa la sheegay inuu ku guuldaraystay heshiis uu kala gaadho iibka 126 diyaaradaha dagaalka Rafale.

Shirkadda samaysa diyaaradaha France ee Dassault Aviation oo la sheegay inay Hindiya xiisaynaso inay geliso mashruuc qiimahiisu gaadhayo £10billion ee iibka diyaaradaha ay sameeyaan, ayaa la filayaa in Cameron, uu ku cadaadiyo iibsashada nooca Eurofighter, ee Ingiriisku sameeyo, booqashadiisa Isniinta.

Talaabadan ayaa sii murgin doonta xidhiidhkii liitay ee hore uga dhexeeyey Cameron iyo Mr Hollande. Sarkaal u hadlay aqalka Cameron ee No 10, ayaa sheegay, “Waan ixtiraamaynaa xaqiiqada sida Hindiya dookheedu yahay, isla markaana xilligan wada xaajood yeelan doono France.”

“Xaqiiqadii, waa sii wadi doonaa dhiirigelinta diyaaradaha Eurofighter, sidii Hindiya iyo aduunku u isticmaali lahaa.”

Diyaaradaha Eurofighter ayey wada sameeyaan UK-Germany-Spain-Italy, dalab cusub oo loo helona waxay keenaysaa u abuuritaanka shaqooyin cusub dadka Ingiriiska.