Hay’adda Saferworld Oo Kulamo La Yeelatay Saddexda Xisbi Qaran

0
557

Hargeysa(Geeska)-Madax ka socota hay’adda caalamiga ah ee SAFERWORLD oo fadhigeedu yahay dalka Ingiriiska, ayaa kulamo kala duwan labadii maalmood ee u dambeeyay la yeelatay xisbiyada Waddani,  KULMIYE iyo UCID.

Hay’addan oo ka shaqaysa xoojinta nabadda, ka hortagista khilaafaadka iyo ka shaqaynta arrimaha dimuqraadiyadda, ayaa waxa ay toddobaadkan saddex kulan oo meelo kala duwan ku qabsoomay la yeelatay hoggaanka sare ee saddexda xisbi qaran

Masuuliyiinta Saferworld, waxa hoggaaminayay madaxa hay’adda ee xafiiska Somaliland Mr. Cabdijaliil Daahir Afqarshe, waxaanay saddexda xisbi iyo hay’adani ka wada hadleen wada shaqayn u bilaabanta, maadaama oo ay dalka ka socoto diiwaangelintii cod bixiyayaasha islamarkaan ay soo dhawdahay doorashadii madaxtooyada iyo baarlamaanku.

Saferworld meelaha ay xisbiyada ka caawin doonto waxa ugu muhiimsan tababaro la siin doono muraaqibiinta ka hawlgeli doona doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka.