Xarunta Caalamiga Ah Ee ICG Oo Ka Digtay In Khilaafka Muddo Kordhintu Sahaydo Qaabka Ay EU Ula Macaamisho Somaliland

0
536

Picture6

Hargeysa(Geeska)-Hay’adda caalamiga ah ee International Crisis Group (ICG) ayaa walaac ka muujisay in haddii aan xal waara laga gaadhin khilaafka ka dhashay muddo kordhinta ay sababi karto dhaawac soo gaadha xidhiidhka Somaliland iyo Caalamka.

ICG waxay sheegtay in haddii aan isafgarad buuxa la gaadhin ay suurtogal tahay in wadamada Midowga Yurub ay laalaan qaabka gaarka ah ee ay ula macaamilaan Somaliland, marka laga tashanayo mashruuca New Deal ee horumarinta Somaliland iyo Somaliya.

ICG waxay sheegtay inaanay golaha guurtidu go’aanka muddo kordhinta ee ay gaadheen kala tashanin xukuumadda, xisbiyada iyo welba guddiga doorashooyinka. “Dhawaaqa go’aankaas guurtidu wuxuu keenay mudaharaado ka dhaca Hargeysa iyo magaalooyinka Berbera iyo Burco. Ciidamada ammaanka ayaa xidhay soddon xubnood oo ka tirsan mucaaradka inkastoo markii dambe la sii daayay.” Ayay tidhi ICG oo sheegtay in Madaxweyne Siilaanyo uu sharciyan go’aanka golaha guurtida kaga jawaab celin doono saddex toddobaad gudahood.

ICG waxay ka digtay in khilaafka xisbiyada mucaaradka iyo xukuumadu uu dhaawici karo horumarka Somaliland, “Haddii aan la gaadhin xal waxa ay khatar gelin doontaa qaabka gaarka ah ee Somaliland lagula macaamilo mashruuca New Deal ee 2012, sida ay si adag u sheegeenba wadamada EU oo uu Ingiriisku ku jiro. Arrintu waa xaasaasi maadaama oo aanay deeq bixiyayaashu aqbali karin muddo kordhinta.” Ayay tidhi warbixinta ICG oo sidoo kale sheegtay in wadamadan reer galbeedku ay sidoo kale si adag uga horiman doonaan muddo kordhin loo sameeyo dawladda Xasan Sheekh ee Somaliya.

Si kastaba ha ahaate ICG waxa ay ku baaqaysaa in wada hadalka la bilaabay uu guulaysto oo xal laga gaadho khilaafka ka dhashay muddo kordhinta golaha guurtida.